“Anigu Kubaddan Orodka Ah Waan Nacay, Qofna Looma Goyn Karayo… VAR

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara  Liverpool iyo xulka qaranka Spain ee Thiago Alcantara ayaa sheegay in kubaddan la casriyeeyey uu macnihii ka tegay, isla markaana ay sii dileen beddelka la badiyey iyo VAR-ta lasoo kordhiyey.

Thiago Alcataran ayaa rumaysan in teknoolojiyadda iyo kubadda cagtu aanay is-qaadan karaynin, isla markaana VAR ay dhaawac weyn u geysanayso ciyaaraha.

Kubbad-sameeyahan oo waqtigan xulka Spain kala qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, ayaa mar horeba shaaciyey sida uu uga soo horjeedo VAR, waxaanu tibaaxay inay tusaale u tahay in kubadda cagtu sii lumayso.

Alcantara oo waraysi siinayay wargeyska The Guardian ee kasoo baxa UK ayaa yidhi: “Tababareyaashu si fiican ayay noola xidhiidhi karaan, ciyaartoyduna si fiican ayay dhexdooda iskula xidhiidhi karayaan.

“Waad guul-darraysan kartaa laakiin waa inaad wax horumarn ah ku lumiso. Beddelka dheeraadka ah ee kooxda difaaca ah 90ka daqiiqadood; kooxaha weerarka ah illaa dhamaadka ciyaarta. Waa in aad nacdo ‘kubadda cagta casriga ah; waxa kale oo timid VAR oo aan anigu mar walba kasoo horjeeday, waxay tirtay qiimihii.

“Qalad ayaad samaynaysaa marka aanu ciyaarayno, garsooreyaashu sidoo kale qaladaad ayay sameeyaan. Waqtiyo badan ayaa jiri karaya. Marka aad gool dhaliso xataa mid cajiib ah oo laynka badhtamaha garoonka aad ka toogatay, waa in aad sugto. Waxa aad ku fikiraysaa: ‘waxa aan rajaynayaa in aanu qalad dhicin intii kubaddaas lasoo dhisayay, waxa aan rajaynayaa in aanu offside jirin, waxa aan rajaynayaa…”

Waxa kale oo uu Thiago Alcantara sheegay, in ciyaaraha kubadda cagtu ay luminayaan hal-abuurkii taas beddelkeedana la adeegsanayo orod iyo awood jidheed, waxaanu yidhi: “Waxa la qaatay jiho kale oo ah: xawaare dheeraynaya iyo awood jidheed

“Saamayntii No.10 ayaa gebi ahaanba meesha ka baxay. Hal-buurkii yaa sii yaraanaya, madadaaladiina way yar tahay. Ciyaartoydu wax badan ayay sameeyaan laakiin orod badan ayaa ku jira. Waxa muuqata in aan loo baahnayn goysmo sababtoo ah waad ordaysaa.

“Kuwayaga aan orodka dheer lahayn, waa in aanu fikir ahaan u dheerayno. Wax kastaaba waa la qabsi, hore u socod. Kubadda cagtuna si joogto ah ayay isku beddelaysaa, si ka duwanna waa loo sharraxayaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More