“Anigu Isbaaro Uma Dhigayo, Haddii Uu Doonayo Wuu Iska Tegi

Murashaxa Madaxweynaha Barcelona ee Pere Riera ayaa ballan-qaaday in aanu noqon doonin mid isbaaro u dhigta xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo aanu ku qasbi doonin inuu sii joogo kooxda haddii aanu isagu doonayn.

Lionel Messi ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Barcelona xagaagii tegay, balse muran iyo khilaaf xooggan oo ka dhex dhashay Madaxweynihii hore ee dhowaanta iscasilay ee Bortameu ayaa keenay inuu sannad kale kusii negaado oo uu sii joogo Camp Nou.

Laacibkan ayaa waqtigaas sheegay inuu dhamaysan doono sannadkan oo kaliya oo ka hadhsanaa qandaraaskiisii hore, waxaana murashaxiinta hadda ku tartamaya Madaxweynenimada, ay ololahooda ku gelayaan sidii ay Lionel Messi ugu sii hayn lahaayeen Camp Nou.

Laakiin Pere Riera oo isaguna murashaxiinta ka mid ah ayaa sheegay in aanu isku xidhi doonin mustaqbalka Messi iyo midka kooxda oo ay kala madax bannaan yihiin, haddii uu laacibkani ku adkaysto inuu tegayana aanu isbaaro hor dhigi doonin oo aanu qasab ku joojinayn.

“Aniga fikirkayga, Messi waa inuu sii joogo Barcelona laaakiin taariikh maaha.” Ayuu yidhi Riera, waxaanu intaa ku daray: “Cidna uma wanaagsana inuu tago.

“Ugu dambaynta, waa Messi qofka go’aaminaya mustaqbalkiisa. Aniga shaki badan ayaa igaga jira in Messi uu doonayey inuu ka tago Barcelona xagaagii. Aniguna isbaaro u dhigi maayo oo qasab ku joojin maayo.”

Lionel Messi ayaa ku jira sannadkii ugu dambeeyey heshiiskiisa Barcelona oo uu cimrigiisa ciyaareed oo dhan kusoo qaatay, waxaana jira kooxo lala xidhiidhinayo inuu u wareegayo, sida Manchester City.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More