Andrea Pirlo Oo Ka Hadlay Qaladkii Uu Sameeyey Ronaldo Xalay Ee Uu
Tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo ayaa ka jawaabay dhalliilo loo jeediyey xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo kaddib markii uu kubadda ka gabbaday ciyaartii xalay ay 3-1 kaga badiyeen Parma oo gool kala hormartay.
Ronaldo ayaa ka mid noqday afar ciyaartoy oo kubadda isku dhigayay, waxaana uu ciyaartoygii toogashada samaynayay kubadda ku beegay Cristiano oo isaguna isgaabiyey intuu wajiga qarsaday iyadoo haddii uu boodi lahaa uu kubadda badbaadin lahaa, waxaana sidaas lagaga dhaliyey goolka koowaad.
Xiddigan oo fal noocan oo kale ah sameeyey bishii hore kulankii ay kooxdiisa Juventus kaga hadhay tartanka Champions League ee FC Porto ay waqtiga dambe ka dhalisay goolka laadka xorta ah oo uu sidan oo uu sii jeedsaday, kubadduna lugihiisa ka dhex-baxday, ayaa waxa mar kale uu mutaystay canaan badan oo la xidhiidha ficilka uu sameeyey.
Inkasta oo uu Juventus u dhaliyey 97 gool tan iyo markii uu yimdi Juventus sannadkii 2018 oo uu kaga soo biiray Real Madrid, haddana waxa uu dhibaato badan ku qabaa hab-difaaca iyo in uu kubadaha uu isku dhigayo ka gabbanayo.
36 jirkan ayay falan-qeeyeyaasha ciyaaraha iyo warbaahintu ku weerareen ficilka uu sameeyey, laakiin tababare Andrea Pirlo ayaa difaacay, isagoo yidhi: “Nasiib-darro waxyaabaha noocan ahi way dhacaan, waanu qiimayn doonaa waxa aanu samaynayno kulamada dambe iyo in aanu Ronaldo ciyaartoyda samaynaya gidaarka ee kubadda isku dhigaya.”
Si kastaba, Ronaldo ayaa hore loogu canaantay in uu yahay nin jecel wajigiisa iyo quruxdiisa, isla markaana kubbadaha ka ilaashada in ay wajiga kaga dhacaan, si aanay u fool xumaanin sawirrada uu gelayo.
Your browser does not support the audio element.