Ancelotti Oo Xiddigii Ka Dhaqaaqayay Everton Kasoo Qaadanaya, Arsenal

Weeraryahanka reer Ivory Coast ee Wilfried Zaha oo 28 jir ah ayaa u sheegay Crystal  Palace in uu doonayo in uu iskaga tago ka hor inta aanay kooxdu dib ugu soo laabanin tababarka ay ugu diyaar-garoobayso xilli ciyaareedka dambe. (Times)

- Advertisement -

Tottenham ayaa qarka u saaran in ay tababaraheeda u magacowdo Antonio Conte, waxaana sidoo kale imanaya Fabio Paratici oo Juventus ka tegay oo noqonaya agaasimaha ciyaaraha ee kooxdaas. (TalkSports)

Heshiiska Conte iyo Tottenham ayaa ku kacaya £15 milyan oo Gini oo mushahar ahaan uu u qaadanayo sannadkii, waxaana sidoo kale uu Daniel Levy u ballan-qaaday in uu dibu-dhis ku samayn doono kooxda. (Mirror)

Tababaraha cusub ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa weerar ku qaadaya kooxdiisii hore ee Everton oo uu k doonyo weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison oo 24 jir ah. (Football Insider)

Everton ayaa sugaysa tababarihii iska casilay Wolves ee Nuno Espirito Santo oo 47 jir ah, kaas oo ay ka gudbisay dalab saddex sannadood ah. (Nicolo Schira)

Arsenal iyo Aston Villa ayaa dalabyo rasmi ah ka gudbisay garabka weerarka reer Argentina ee Emi Buendia oo ah 24 jir qiimihiisa lagu sheegay £40 milyan oo Gini. (Sun)

Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in ay iibinayso 18 jirka khadka dhexe ee Ilaix Moriba oo ay xiisaynayaan kooxaha Manchester  United, Manchester City iyo Chelsea. (Mail)

Liverpool ayaa hoggaanak u qabatay tartanka loogu jiro xiddiga reer Brazil ee Raphinha oo garabka weerarka uga ciyaara Leeds United, kaas oo sidoo kale ay doonayaan Manchester United iyo Manchester  City. (Gianluigi Longari & Express)

Arsenal waxay diyaar u tahay, in ay iibiso laacibkeeda khadka dhexe ee Matteo Guendouzi oo ah 22 jir Faransiiska u dhashay oo amaah kaga maqan. Waxay kaliya kku iibinaysaa £8.6 milyan oo Gini. (Le10sport)

Ajax iyo Manchester United ayaa wali ku xafiiltamaya saxeexa weeraryahanka reer Ghana ee Kamaldeen Sulemana oo 19 jir ah, una ciyaara FC Nordsjaelland. (Football Insider)

Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo 34 jir ah, ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa AC Milan, iyadoo heshiiskiisu Chelsea ku egyahay bishan June. (Gazzetta dello Sport)

Saed Kolasinac oo 27 jir ah ayay Arsenal doonaysaa in ay iibiso kaddib markii Schalke ay sheegtay, in heshiiskii amaahda ahaa aanay u beddelayn mid rasmi ah. (Foobtall London)

Atletico Madrid ayaa go’aamisay in ay iibiso laacibkeeda khadka dhexe ee Saul Niguez oo 26 jir ah, horena loola xidhiidhinayay Manchester United. (Marca)

Fiorentina waxay danaynaysaa laacibka khadka dhexe ee reer France ee Tiemoue Bakayoko oo 26 jir ah, amaahna kaga maqan Chelsea. (Fabrizio Romano)

Tababaraha Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa Khamiistii la kulmay shaqaalaha kooxda, waxaanay ka tashadeen go’aamada ay ka qaadanayaan suuqa xagaagan oo uu ugu horreeyo Cristiano Ronaldo. (Goal)

Tottenham ayaa wali wada-hadallo kula jirta weeraryahanka reer  South Korea ee Son Heung-min oo 28 jir ah oo ay doonayso in ay ka saxeexdo heshiis cusub, waxaanay kalsooni ka muujinayaan in uu qalinka ku duugi doono qandaraas cusub marka la magacaabo tababaraha cusub. (Fabrizio Romano)

Douglas Luiz ayaa la filayaa in uu sii joogo Aston Villa, kaddib markii ay soo baxday in Man City aanay bixin doonin lacagtii ay ku xidhay heshiiskii ay hore ugu iibisay ee dhigayay lacagta ay dib ugu soo ceshan karto 23 jirkan. (Express & Star)

Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone waxa uu u dhow yahay in uu saxeexo heshiis cusub oo laba sannadood ah oo uu kooxda reer Spain kusii joogayo illaa 2024. (Cadena Cope)

Kooxda haysata horyaalka France ee Lille ayaa raadinaysa tababare kaddib markii uu iscasilay Christophe Galtier maalmo kaddib markii uu koobka u qaaday. Waxay kooxdani xiisaynaysaa Patrick Vieira. (L’Equipe)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More