Alexander-Arnold Waa Kabtanka Mustaqbalka Liverpool, Illaa 15

Difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold waa kabtanka mustaqbalka ee kooxdaas, waxaanu tusaale u yahay ciyaartoyda da’yarta oo kaga dayana hoggaaminta iyo hibada ciyaareed, sida uu sheegay tababare kuxigeenka Reds ee Pep Lijnders.

Alexander-Arnold oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Liverpool ayaa muujiyey hibadiisa ciyaareed tan iyo markii uu kooxda koowaad usoo dallacay sannadkii 2016kii, markaas oo uu noqday ciyaartoy haysta boos joogto ah.

22 jirkan ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaaray guulihii Liverpool ee horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League ee sannadihii ugu dambeeyey, waxaana uu Pep Lijnders rumaysan yahay inuu dhaxli doono calaamadda kabtanimada ee hoggaaminta kooxda sannadaha soo socda.

Pep Lijnders oo la hadlayay website-ka Liverpool ayaa yidhi: “Waxa aan aad ugu hanweynahay Trent. Wuxuu leeyahay farsamo farsamo dabiici ah illaa markii uu kaliya 15 jirka ahaa.

“Wuxuu leeyahay tilmaamo aan jeclaaday, sida: maskax lagu guuleysto samir iyo dulqaad horumar uu ku sameeyo iyo dareenkiisa oo uu xakameeyo. Wuxuu aad ugu tababartaa awood iyo tartan.

“Koritaan ayuu tallaabo tallaabo si cajiib ah ugu samaynayaa, waxa ku xeeran qoys jacayl, waxaanu abuurayaa shaqsiyaddiisa heerka sare ah.”

Pep Lijnders oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Anigu uma arko in uu yahay ciyaartoy da’yar, waxaan u arkaa hoggaamiye, waxaan u arkaa qof dareenkiisa xakameeya, mustaqbalka kooxda iyo hoggaamiye tusaale ah.”

Trent Alexander-Arnold waxa uu Liverpool u ciyaaray 179 kulan oo dhamaan tartamada ah shantii sannadood ee uu kooxda koowaad ka tirsanaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More