AKHRISO Waxa Uu Andrea Pirlo Oo Hore U Sheegay In Lionel
Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo oo intii uusan shaqadaas qaban si cad u sheegay in kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ka wanaagsan yahay hoggaamiyaha Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa markale su’aashan la weydiiyay.
- Advertisement -
Juventus ayaa kahor tagaysa Barcelona oo wali dareemaysa xanuunka guuldarradii 2-1 ka ahayd ee kasoo gaadhay kooxda La Liga ku cusub ee Cadiz isla markaana 12 dhibcood ka dambaysa Atletico Madrid oo hoggaanka haysa.
Si kastaba, kooxda tababare Ronald Koeman ayaa ahayd mid bandhigyo wanaagsan ka samaynaysa Champions League iyadoo soo guuleysatay dhammaan 5-tii kulan ee ay ka ciyaartay tartanka.
Ugu horreynba Pirlo oo ka hadlay dhibaatada Barcelona ayaa sheegay inuusan qabin aragtida ah in Barca ay dhibaato dhexda kaga jirto isla markaana uu Koeman haysto koox wanaagsan.
Andrea ayaa yidhi “Anigu ma aaminsani qalalaasaha Barcelona, kooxdu waxa ay haysataa tababare cusub kaas oo aragtiyihiisa isku geynaya, waynu ognahay in isagu haysto koox cajiib ah”
“Iyagi waxay bedeleen tababarayaashii balse markasta waxa ay garoonka u galaan si ay u ciyaaraan, waa inay raadiyaan xalalka ugu wanaagsan oo ay ciyaartoyda xaaladahooga ugu fiican geliyaan si ay qaabkooda ugu fiican u ciyaaraan”
Dhinaca kale Pirlo oo la weydiiyay midka wanaagsan Ronaldo iyo Messi ayaa markan diiday inuu qiimayn sameeyo oo uu midkood midka kale dhaafiyo.
“Waa wax laga xishoodo in la yidhaahdo midkood ayaa ka wanaagsan midka kale” ayuu ku jawaab celiyay markan Pirlo.