AKHRISO: Mushaharka Ciyaaryahanadda Barcelona Oo Khalkhalka Ku Abuuray

Barcelona ayaa madax-xanuun iyo xaalad adag ku jirta, waxaanay xal u raadinaysaa ciyaartoydeeda cusub ee ay dhowaanta lasoo saxeexatay ee Sergio Aguero, Memphis Depay, Eric Garcia iyo Emerson, kuwaas oo La Liga uu ka diiway inuu u diiwaangeliyo.

Blaugrana oo la sheegay in lagu leeyahay deyn kor u dhaaftay  €1 bilyan oo Euro, ayaa waxay u baahan tahay inay iibiso ciyaartoydeeda mushaharka badan ee aan manfaca badan u lahayn, si ay usoo gasho xadka uu La Liga u jeexay ee aanay dhaafi karayn mushaharka ciyaartoydeeda sannadkan oo noqonaysa €382.7 milyan oo Euro, halkii sannad ka hor mushaharka loo ogolaa inay bixiso ay gaadhaysay €671 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan in looga baahan yahay inay meesha ka saaraan €288.3 milyan oo Gini.

Dhaqaalaha Barcelona oo si weyn hoos ugu dhacay, saamayn xunna uu ku yeeshay fayraska korona ee xilli ciyaareedkii hore albaabada u laabay garoomada oo aanay wax taageereyaal ahi imanin, waxa dhibka kusii kordhinayo qandaraaskii Lionel Messi oo dhamaaday, loogana baahan yahay inay dib u diiwaangeliyaan sidii ciyaartoy cusub oo kale, waa haddii uu laacibkani ogolaado in uu sii joogo kooxda e, taas oo La Liga uu ku xidhayo in marka hore mushaharkooda sannadkan ay ku jaan-gooyaan €382.7  milyan oo Euro oo aanu dhaafi karin.

Barca ayaa meesha ka saartay oo iibisay saddexda ciyaartoy ee Junior Firpo, Konrad iyo Todibo, halka ay amaah iib wadata ku direen Trincao.

Haddaba, waa imisa mushaharka ciyaartoyda Barcelona oo laga saaray xiddigaha amaahda ku maqan, Lionel Messi oo xor ah iyo kuwii la iibiyey?

Warbaahinta Spain ayaa soo bandhigtay mushaharka ciyaartoyda Barcelona ee toddobaadlaha ah, waxaana hoggaaminaya Frankie de Jong oo toddobaadkii qaata 414,000 Euro, halka Antoine Griezmann oo kaalinta labaad ku jiraana uu u xaadiro 400,000 Euro.

Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda Barcelona oo lacagta Ingiriiska ee Pound-ka ah loo beddelay [NB: Haddii Euro loo beddelayo, waxan lagu dhufanayaa 1.17 oo ah sarrifka maanta]:

23. Riqui Puig – £25,000-toddobaadkii

22. Eric Garcia – £38,500-toddobaadkii

21. Sergiño Dest – £41,000-per-week

20. Ansu Fati – £45,000-toddobaadkii

19. . Ronald Araújo – £50,000-toddobaadkii

18. Emerson – £58,000-toddobaadkii

17. Neto – £65,000-toddobaadkii

16. Clément Lenglet – £70,000-toddobaadkii

=14. Carles Aleñá – £85,000-toddobaadkii

=14. Martin Braithwaite – £85,000-toddobaadkii

13. Marc-André ter Stegen – £100,000-toddobaadkii

12. Philippe Coutinho – £146,000-toddobaadkii

11. Jordi Alba – £150,000-toddobaadkii

10. Sergi Roberto – £170,000-toddobaadkii

9. Samuel Umtiti – £208,000-toddobaadkii

=6. Miralem Pjanic – £210,000-toddobaadkii

=6. Gerard Piqué – £210,000-toddobaadkii

=6. Ousmane Dembélé – £210,000-toddobaadkii

=4. Sergio Aguero – £230,000-toddobaadkii

=4. Memphis Depay – £230,000-toddobaadkii

3. Sergio Busquets – £258,000-toddobaadkii

2. Antoine Griezmann – £345,000-toddobaadkii

1. Frenkie de Jong – £354,000-toddobaadkii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More