AKHRISO: Guulihii Real Madrid Ay Gaarey 16kii Sannadood Ee Sergio
Muddo 16 sannadood ah oo uu u ciyaarayay Real Madrid ayaa ku dhamaanaya maanta oo lagu sii macalaamaynayo xaflad uu qayb ka noqonayo Madaxweyne Florentino Perez oo ahaa ninkii sannadkii 2005 keenay kooxda.
Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lagu sagootinayaa xaflad, waxaana loo ballamiyey warbaahinta oo uu la hadli doono, si uu taageereyaasha usii macasalaameeyo.
Sergio Ramos ayaa waxa shirka jaraa’id kala hadli doona Florentino Perez oo isagana la filayo inuu amaan kula dul-dhici doono, waxaana si gaar ah isha loogu hayn doonaa hadallada kasoo yeedhi doona Ramos.
Taageereyaasha ayaa doonaya inay maqlaan sirta ka dambaysa in Sergio Ramos uu go’aansado in aanu saxeexin heshiis sannad ah, uuna ka tago kooxda uu ka yahay halyeyga taariikhda dheer ee uu cimrigiisana usoo hibeeyey 16kii sannadood ee uu ugu wanaagsanaa.
Waqtiga uu yimid iyo lacagtii ay Real Madrid kusoo iibsatay
Sannadkii 2005 ayay Real Madrid 27 milyan oo Euro kusoo iibsatay Sergio Ramos oo 19 jir ahaa, una ciyaari jiray Sevilla. Laacibkan ayaa waxa uu waqtiyadii hore ka ciyaari jiray difaaca midig iyo difaaca dhexeba, waxaana markii dambe uu iskugu soo guuray difaaca dhexe.
Waqtiga ay Real Madrid lasoo saxeexanaysay Ramos, waxa Madaxweyne ka ahaa oo Santiago Bernabeu kusoo bandhigay Florentino Perez oo 16 sannadood kaddibna sagootin u samaynaya isagoo mar kale ah madaxweynaha kooxda.
Kulamadii uu u saftay Real Madrid iyo goolashii uu u dhaliyey
Sergio Ramos waxa uu Real Madrid u saftay 671 ciyaarood, waana laacibka afraad ee taariikhda kooxda ugu safashada badan. Waxa kaliya ka horreeya Raul Gonazalez, Iker Casillas iyo Manolo Sanchis.
Intii uu u ciyaarayay, waxa uu Ramos u dhaliyey Real Madrid 101 gool iyo 40 kale oo uu caawiye ka noqday.
Koobabkii uu kula guuleystay Real Madrid
LaLiga – 5 koobSpanish Super Cup – 4 koobCopa del Rey – 2 koobChampions League – 4 koobClub World Cup – 4 koobUEFA Super Cup – 3 koob