AKHRISO: Garsoorihii Goolka Cadaanka Ah Ka Diiday

Garsoore Danny Makkelie ayaa shaaca ka qaaday waxa uu yeelay kaddib markii uu soo dhammaaday kulankii dhex maray xulalka Serbia iyo Portugal maalmo kahor ee kusoo dhammaaday bar-bardhaca 2-2 gool ah.

Dhacdada muranka badan dhalisay ayaa ahayd markii uu Cristiano Ronaldo wakhtigii dhimashada u muuqday mid dhaliyay gool balse kubadda oo loo arkayay inay dhaaftay liidka goolka uu soo celiyay xiddig Serbia ah iyadoo garsooraha ree Netherlands uu diiday goolkaas.

Si kastaba, garsooraha iyo garsooraha labaad ee calanka hayay ayaa labaduba ku fashilmay inay goolkaas bixiyaan taas oo dhalisay in Ronaldo uu tuuro calaamada kabtanimo isla markaana deg-deg uga baxo garoonka.

Garsoore Makkelie oo dhawaan la hadlay wargeyska ree Portugal ee A Bola ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee uu samayn karayay ay ahayd raali-gelin taasna uu siiyay tababaraha xulka iyo waliba ciyaaryahanadaba.

“Marka la eego siyaasada FIFA, dhammaan waxa aan sheegi karaa waa inaan ka raaligeliyay tababaraha xulka qaranka, Fernando Santos, iyo xulka Portugues-ka wixii dhacay”

“Ka kooxda garsoorka ahaan, markasta waxaanu u shaqaynaa si adag si aanu u gaadhno go’aamo wanaagsan, marka aan helno warar sidaas oo kale ah, gabi ahaanba anaga nama farax geliso”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More