AKHRISO: Farriinta Qiirada Leh Ee Uu Raphael Varane Ku Sagootiyey

Raphael Varane ayaa farriin qiiro leh ku macasalaameeyey taageereyaasha Real Madrid kaddib markii uu uga wareegay Manchester United.

- Advertisement -

28 jirkan oo toban sannadood joogay Real Madrid, kulana guuleystay saddex horyaal oo LaLiga ah, Copa del Rey, afar Champions League iyo koobab kale ayaa waxa uu go’aansaday inuu inta ka hadhay cimrigiisa ku qaato horyaallo kale, sida Premier League oo uu afarta sannadood ee soo socota u ciyaari doono.

Qoraal macasalaamayn ah oo uu ku daabacay bartiisa bulshada ayuu ugu mahad-celiyey taageereyaasha Real Madrid, tababareyaashii iyo dadkii uu lasoo shaqeeyey, waxaana uu xusay waqtigii ugu farxadda badnaa.

Raphael Varane ayaa yidhi: “Maalmahan yar ee u dambeeyey waxay ahaayeen kuwo dareen badan, waa dareen aan jeclaan lahaa in aan dhamaantiin idinla wadaago. Kaddib 10 sannadood oo cajiib ahaa iyo sannado heersare ah oo aan joogay Real Madrid, koox mar walba qalbigayga ku jiri doonta, waxa la soo gaadhay waqtigii aan macasalaamayn lahaa.

“Tan iyo markii aan imid 2011, waxaynu wada-jir ugu guuleysanay dhamaan filashooyinkeenii, waxaanaynu gaadhnay guulo aanan waligay ku riyoonin. Waxa aan u mahad-celinayaa tababareyaashii iyo dhamaan dadkii ka shaqeeyey kooxda ee ii suurtogeliyey in aan guulahan la gaadho.

“Waxa aan aad ugu mahad-celinayaa taageereyaasha Real Madrid oo mar walba isiinayay jacayl badan, iguna riixayay filashadooda sare si aan ugu shaqeeyo sida ugu wanaagsan, una dagaallamo guul kasta.”

Varane waxa uu xusay guushii ugu farxadda badnayd ee aanu waligii illoobi doonin, waxaanu yidhi: “Waxa sharaf ii ahayd in aan qolka labbiska la wadaago ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida. Guulo aan la tirin karaynin oo aanan waligay illoobi doonin, gaar ahaan La Decima [Champions League-gii 11aad ee Real Madrid ama koobkiisii 2aad ee Champions League ee uu la qaaday Real Madrid]. Waxa aan dareemay in ay ii ahayd sharaf weyn in aan awooday in aan soo qaatay waqti sidaas u cajiib ah.”

Intaas kaddib waxa uu u mahad-celiyey dadka Spain, waxaanu yidhi: “Ugu dambayntii waxa aan u mahad celinayaa dadka Spain, gaar ahaan caasimadda Madrid oo ah meesha ay labadayda carruurta ahi ku dhasheen. Waddankani wuxuu mar walba ii ahaan doonaa mid khaas ah.

“Waxa uu ahaa safar cajiib dhinac walba oo laga eego. Waxa aan ku tegayaa dareenka ah in aan wax walba huray, waxna aanan ka beddeleen dhamaan sheekooyinkeena.”

Waxa kale oo uu xusay in cutub cusub u bilaabmay noloshiisa, isagoo yidhi: “Waxa bilaabmay cutub cusub…”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More