AKHRISO Aragtida Ay Jamaahiirta Liverpool Baraha
Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa si deg-deg ah uga falceliyay in kooxdoodu ay ciyaarayso ku celiska Final-kii UEFA Champions League ee sanadkii 2018 isla markaana ay kahor tagayaan dhigooda Real Madrid oo xusuuso badan ku reebtay kulankaas.
- Advertisement -
Isku aadkan ayaa ah mid keenay kulankii mudada dheer la sugayay ee u dhaxayn lahaa labada dhinac iyo waliba iska hor imaatinka hoggaamiyaha weerarka Liverpool ee Mohamed Salah iyo kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos.
Kulankan ayaa ah mid imanaya wax ka yar saddex sano kaddib markii ay labada kooxood isku arkeen Final-ka Champions League markaas oo kooxda tababare Zinadine Zidane ay ku guuleysatay CL ciyaartii ka dhacday magaalada Kiev.
Mid kamida dhacdooyinkii ugu saamaynta badnaa kulankaas ayaa yimid qaybtii hore ee ciyaarta kaddib markii uu Ramos dhaawacay Salah isaga oo qaab xeelad iyo khibrad weyni ka muuqato garabka uga jabiyay.
Dhacdadaas ayaa noqotay mid Real Madrid si deg-deg ah u siisay gacanta sarre ee ciyaarta iyadoo Salah uu garoonka kaga baxay ilin iyo marxalad adag xilli ugu dambayntiina garabka qaliin lagaga sameeyay.
Ramos ayaa markale taageerayaasha kooxdaas cadho galiyay kaddib markii uu jug si qarsoodi ah u gaadhsiiyay goolhaye Lloris Karius kaas oo laba kamidda saddexdii gool ee Real qalad ku yeeshay.
Haddaba, taageerayaasha Liverpool ee barta Twitter-ka dareenkooda ku cabiray ayaa sheegay inay tahay wakhtigii aargoosiga ee Salah.
Taageeraha koowaad ayaa yidhi “Waa wakhtigii aargoosiga”
Taageeraha labaad ayaa isaguna dareenkiisa ku cabiray “Salah ayaa kuusoo socda saaxiib” isaga oo ula jeeda Ramos.
“Ku celiska kulanka Ramos vs Salah, inoo bilaaba” ayuu yidhi taageeraha kalena.
“Salah ugu dambayn waxa uu helay ka aargoosigiisii Ramos” ayuu yidhi taageere kale.