AFTI: N’Golo Kante Ayaa Ku Guuleysanaya Ballon d’Or, Mbappe Oo 4aad

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea iyo France ee N’Golo Kante ayaa ku guuleysan doona abaal-marinta ciyaartoyga sannadka ee Ballon d’Or, waxaanu ku garaaci doonaa Robert Lewandowski oo kaalinta labaad geli doono, Kylian Mbappe oo saddexaad noqonaya iyo Lioinel Messi oo afraad u degaya.

- Advertisement -

Sida ay muujisay afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta, ma jiro ciyaartoy kaga habboon N’Golo Kante oo ay tahay in la siiyo Ballon d’Or, sababtoo ah, waxqabadkiisa garoomada ayaa ka sarreeyey ciyaaryahannada kale ee la tartamaya.

Kulankii finalka Champions League ayaa uu Kante burburiyey khadka dhexe ee Manchester City, waxaanu koobka gacanta u geliyey Chelsea, halka isaguna uu ku guuleystay xiddigii garoonka. Laakiin ciyaartan oo kaliya ma ahayn laacibka ugu wanaagsan garoonka, waxaase ka horreeyey labadii kulan ee semi-finalka ee Real Madrid oo uu baabi’iyey dhexdii Zidane ee Toni Kroos, Luka Modric iyo Casemiro.

Kante ayaa ciyaartaas waxa uu ku guuleystay 11 kubbadood oo sare oo uu kaga adkaaday ciyaartooyo ay loollameen iyadoo la ogyahay inta uu dhererkiisu le’eg yahay, waxaanu ku darsaday 10 kubbadood oo kale oo kooxdiisa laga qaatay, goolkiisana lagula soo socday oo uu soo dhiciyey.

30 jirkan oo waddankiisa France kula guuleystay Koobkii Adduunka 2018, sidoo kalena horyaalka Premier League laba jeer qaatay, kun adarsaday Champions League, Europa League iyo tartamo kale oo maxalli ah, ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa xiddigaha loo saadaalinayo abaal-marinta Ballon d’Or.

Codbixin loo adeegsaday barta bulshada ee Twitter-ka ayaa waxay taageereyaashu isku raaceen in N’Golo Kante uu yahay ciyaartoyga ay tahay in la guddoonsiiyo abaal-marinta shaqsiga ah ee ugu qaalisan ee Ballon d’Or.

155,000 qof oo aftidan laga qaaday ayaa 42.8% ay u codeeyeen in N’Golo Kante uu yahay xiddiga ay tahay in la siiyo Ballon d’Or, waxaana kaalinta labaad soo galay Lionel Messi oo 27.3% ay sheegeen in Lionel Messi uu ku guuleysan doono, halka Robert Lewandowski uu saddexaad ku jiro oo ay u codeeyeen 24%. Saddexaad waxa soo galay Kylian Mbappe oo helay 5.2 boqolkiiba iyo Robert Lewandowski oo afraad ku jira.

Akhriste, adiguna u codee oo halka hoose ee farriinta noogu reeb laacibka ku guuleysan doona Ballon ‘Or afarta ciyaartoy ee

1. N’Golo Kante

2. Robert Lewandowski

3. Lionel Messi

4. Kylian Mbappe

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More