“Aabaheey Cunto Wuu I Siiyaa” Wiilka Ole Gunnar Solskjaer Oo U

Wiilka uu dhalay Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay inuusan baahi kala kulmin aabihiis kaasoo dagaal afka ah uu kala dhaxeeyo tababaraha Tottenham Jose Mourinho.

- Advertisement -

Inkastoo United ay 3-1 ku badisay hadana Solskjaer ayaa ka careysnaa gool laga diiday kooxdiisa qeybtii hore ee ciyaarta.

Cavani ayaa kubada shabaqa dhex dhigay laakiin markii ay VAR waxay go’aamisay in goolka la diido iyadoo xukmiyay in Soctt McTominay uu qalad ku galay Heung-Min Son goolka ka hor.

Fiidi hore ee gacanta McTominay ayaa si kama ah ugu dhacday xiddiga reer South Korea kaasoo dhowr daqiiqadood garoonka dhex jiiday ka hor inta uusan hogaanka u dhiibin Spurs.

Solskjaer oo careysan ayaa sheegay in Son uu khiyaameeyay garsooraha isagoo yiri: “Haddii wiilkeyga uu sidaas oo kale seddex daqiiqo dhulka u jiifo islamarkaana uu u baahdo in 10 xiddig ee asxaabtiisa ah inay ka caawiyaan inuu istaago, wax cunta ah ma siin laheyn.”

Mourinho ayaa uga jawaab celiyay in Son uu nasiib badan yahay madaama aabihiis uu ka fiican yahay Ole Gunnar Solskjaer oo uu sheegay inuu baahi ku dilo caruurta.

Xiddiga khadka dhexe Kristiansund, Noah Solskjaer oo 20 sanno jir ah ayaa waxaa wareysatay warbaahinta maxaliga ah ee Norway isagoo qof walba u xaqiijiyay inuu cunto ka helo aabihiis.

“Mar walba cunto waan helaa. Waan u xaqiijin karaa qof walba taas” ayuu u sheegay warbaahinta Tidens Krav.

Wiilka ugu weyn caruurta Solskjaer ayaa sheegay in Jose Mourinho uu isku dayayay inuu dadka ka weeciyo ka hadalka guuldarada Tottenham taasna ay sabab u tahay weerarkii uu ku qaaday aabihiis.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More