Waa kuma Weeraryahanka reer Brazil Ee Ay Kooxaha Waaweyn Radinaayan

Ma jiraan ciyaartoy badan oo leh khibrad la mid ah tan weeraryahanka reer Brazil Gabriel Barbosa uu soo qaatay. Isagoo jira da’da 20 sanno ayuu jabiyay rikoodhyo badan isagoo dhaliyay 56 gool kaliya 154 kulan uu saftay, wuxuuna u wareegay Inter Milan sannadkii 2016 halkaasoo musiibadiisa ay ka bilaabatay.

Intii uu joogay Inter Milan wuxuu kaliya dhaliyay hal gool 10 kulan uu saftay xilli ciyaareedkii 2016-17 oo dhan.

Ka dib waxaa amaah loogu diray horyaalka Primera Liga isagoo u dheelayay kooxda Benfica. Intii uu joogay Portugal waa ay uga sii xumeyd isagoo kaliya ciyaaray afar kulan islamarkaana aan dhalinin wax gool ah. Rikoodhkiisa Yurub wuxuu ahaa hal gool labo sannadood uu joogay.

Laakiin xiddigaan lagu naaneeso Gabigol ayaa haatan ku soo laabtay mashiinkii goolasha ee uu ahaa. Xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee amaah ugu laabtay Brazil sannadkii 2018, wuxuu 27 gool 53 kulan gudaheed ugu dhaliyay kooxdiisa hore ee Santos.

Ka dib wuxuu u wareegay kooxda Flamengo xilli ciyaareedkii 2019-20, isagoo u dhaliyay 88 gool kaliya 119 kulan uu u saftay.

Waxay tani keentay inay mar kale soo eegaan xiddigaan reer Brazil kooxaha ugu waa weyn horyaalka Premier League.

Kooxaha sida Chelsea, Manchester City iyo Liverpool ayaa dhamaantood raadinaya weeraryahano awood leh xagaagan, waxaana jira xiiso badan oo Premier League looga hayo Gabigol oo dib ugu soo laabtay qaab ciyaareedkiisii hore.

Ka dib labo sannadood uu ku fashilmay Yurub, Gabigol ayaa laga yaabaa inuu mar kale soo koro masraxa kubada cagta Yurub.

Akhriste haddii aad daawatay ciyaarta Gabigol kooxdee ayuu ku haboon yahay?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More