30ka Ciyaartoy Ee Champions League Goolashii Ugu Badnaa Ka

Goolasha tartanka Champions League laga dhaliyo uma fududa sida kuwa horyaallada oo kale, waxaana xiddigaha ay u suurtogasho inay shabaqa taabtaan ay u tahay qiimayn iyo sharaf gaar ah.

Laba xiddig oo kaliya ayaa taariikhda Champions League dhaliyey 100 gool iyo ka badan, waana Cristiano Ronaldo oo ah ciyaartoygii abid ugu goolasha badnaa tartankan iyo Lionel Messi oo kusoo xiga.

Laakiin labadooduba kuma jiraan kaalmaha ugu horreeya ee ciyaartoydii goolasha ugu badan waqtigii ugu yaraa kaga dhaliyey.

Erling Haaland ayaa hoggaaminaya xiddigaha kulamadii ugu yaraa kaga dhaliyey goolashii ugu badnaa, waxaana 15 ciyaarood oo uu u saftay kooxaha RB Salzburg iyo Borussia Dortmund uu dhaliyey 16 gool, taas oo ka dhigtay ciyaartoyga kaliya ee goolashiisu ka badan yihiin kulamada Champions League ee uu ciyaaray.

Shabakadda xogta iyo qiimaynta ciyaartoyda ee dhinaca suuqa aadka awoodda u saarta ee Transfermarket ayaa soo bandhigtay xogta 30ka ciyaartoy ee ugu waxqabadka badan Champions League dhinaca goolasha iyadoo la isku eegayo kulamada ay safteen iyo goolasha ay dhaliyeen.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda, kulamada ay safteen iyo goolasha ay dhaliyeen:

Jardel (FC Porto, Galatasaray) – 0.54

Kulamada uu ciyaaray46

Goolasha uu dhaliyey35

Karim Benzema (Lyon, Real Madrid) – 0.54

Kulamada uu ciyaaray123

Goolasha uu dhaliyey67

Fabio Quagliarella (Juventus) – 0.55

Kulamada uu ciyaaray11

Goolasha uu dhaliyey6

Sergey Yuran (Spartak Moscow, Sturm Graz) – 0.55

Kulamada uu ciyaaray11

Goolasha uu dhaliyey6

Sergio Aguero (Atletico Madrid, Manchester City) – 0.55

Kulamada uu ciyaaray73

Goolasha uu dhaliyey40

 

Timo Werner (RB Leipzig, Chelsea) – 0.56

Kulamada uu ciyaaray18

Goolasha uu dhaliyey10

Jean-Pierre Papin (Bayern Munich, AC Milan) – 0.56

Kulamada uu ciyaaray16

Goolasha uu dhaliyey9

Filippo Inzaghi (Juventus, AC Milan) – 0.57

Kulamada uu ciyaaray81

Goolasha uu dhaliyey46

Tore Andre Flo (Chelsea) – 0.57

Kulamada uu ciyaaray14

Goolasha uu dhaliyey8

Neymar (Barcelona, Paris Saint-Germain) – 0.57

Kulamada uu ciyaaray63

Goolasha uu dhaliyey36

 

Marco Simone (AC Milan, Paris Saint-Germain, AS Monaco) – 0.58

Kulamada uu ciyaaray40

Goolasha uu dhaliyey23

Ciro Immobile (Borussia Dortmund, Lazio) – 0.58

Kulamada uu ciyaaray12

Goolasha uu dhaliyey7

Mario Gomez (Stuttgart, Bayern Munich) – 0.59

Kulamada uu ciyaaray44

Goolasha uu dhaliyey26

Franck Sauzee (Marseille) – 0.60

Kulamada uu ciyaaray10

Goolasha uu dhaliyey6

Josip Ilicic (Atalanta) – 0.60

Kulamada uu ciyaaray10

Goolasha uu dhaliyey6

 

Gabriel Jesus (Manchester City) – 0.60

Kulamada uu ciyaaray25

Goolasha uu dhaliyey15

Vincent Aboubakar (FC Porto, Besiktas) – 0.61

Kulamada uu ciyaaray23

Goolasha uu dhaliyey14

Alex Frei (FC Basel) – 0.62

Kulamada uu ciyaaray13

Goolasha uu dhaliyey8

Vincenzo Iaquinta (Udinese, Juventus) – 0.67

Kulamada uu ciyaaray12

Goolasha uu dhaliyey8

George Weah (Paris Saint-Germain, AC Milan) – 0.69

Kulamada uu ciyaaray16

Goolasha uu dhaliyey11

 

Mauro Icardi (Inter Milan, Paris Saint-Germain) – 0.69

Kulamada uu ciyaaray13

Goolasha uu dhaliyey9

Roberto Soldado (Real Madrid, Valencia) – 0.70

Kulamada uu ciyaaray23

Goolasha uu dhaliyey16

Wissam Ben Yedder (Sevilla) – 0.71

Kulamada uu ciyaaray14

Goolasha uu dhaliyey10

Robert Lewandowski (Borussia Dortmund, Bayern Munich) – 0.76

Kulamada uu ciyaaray94

Goolasha uu dhaliyey71

Cristiano Ronaldo (Manchester United, Real Madrid & Juventus) – 0.76

Kulamada uu ciyaaray172

Goolasha uu dhaliyey131

 

Ruud van Nistelrooy (PSV Eindhoven, Manchester United & Real Madrid) – 0.77

Kulamada uu ciyaaray73

Goolasha uu dhaliyey56

Wynton Rufer (Werder Bremen) – 0.80

Kulamada uu ciyaaray10

Goolasha uu dhaliyey8

Lionel Messi (Barcelona) – 0.81

Kulamada uu ciyaaray146

Goolasha uu dhaliyey118

Harry Kane (Tottenham) – 0.83

Kulamada uu ciyaaray24

Goolasha uu dhaliyey20

Erling Haaland (Red Bull Salzburg, Borussia Dortmund) – 1.33

Kulamada uu ciyaaray12

Goolasha uu dhaliyey16

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More