15-ka xidig ee ugu qiimaha badan 2020
Sanadka 2020 wuxuu ahaa mid kubad cag ku ahaa kubada cagta walina wuxuu la tacaalayaa viruska Korona.
Xiddiga Barcelona Lionel Messi, Robert Lewandowski oo Bayern Munich ka tirsan iyo Cristiano Ronaldo oo Juventus ka tirsan ayaa dhamaantood ku jira liiska abaalmarinta Ballon d’Or.
Inkasta oo uu Ronaldo wacdaro dhigay 2020 uuna 40 gool u dhaliyay Juventus tan iyo bilowgii sanadka, daraasad lagu sameeyay Carteret Analytics ayaa muujineysa in Ronaldo uusan xitaa ka mid aheyn 10-ka sare ee 2020.
Daraasada ayaa lagu eegay 15 ciyaartooy oo qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay sanadkii 2020 waxaana la eegay sida ciyaaryahan walba uga caawiyo kooxdiisa guusha.
Ronaldo ayaa kaalinta 11-aad kaga jira qiimeynta inkasta oo uu sanadkan qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay hadana waxa uu haatan si wada jir ah u hogaaminayaa gooldhalinta horyaalka Serie A-da wuxuuna kula tartamayaa abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka adduunka
Sida kaliya ee uu Ronaldo uga soo degi karo darajadan ayaa ah in uu waxoogaa caawinaad ah u sameeyo kooxda Juventus, iyada oo ay xiddigaha Juventus inta badan ku fashilmaan in ay badalaan karoosyadooda.
Si kastaba ha noqotee, waa kuwan 15ka farshaxan ee ugu wanaagsan 2020:
Paulo Dybala (Juventus)
14. Neymar (PSG)
13. Thomas Muller (Bayern Munich)
12. Thiago Alcantara (Liverpool)
Cristiano Ronaldo (Juventus)
Timo Werner (Chelsea)
9. Sadio Mane (Liverpool)
Karim Benzema (Real Madrid)
Virgil van Dijk (Liverpool)
6. Mo Salah (Liverpool)
Erling Haaland (Borussia Dortmund)
Harry Kane (Tottenham Hotspur)
Kevin De Bruyne (Manchester City)
Robert Lewandowski (Bayern Munich)
1. Lionel Messi (Barcelona)