Xog: Farmaajo oo ka baaqday safarkii Turkiga

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Antalya Diblomacy Forum oo berri ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga, kaasi oo lagu waday inuu ka qeyb-galo.

Farmaajo ayaa kamid ahaa madaxdii lagu martiqaaday shirkaas, ayada oo qorshaha uu ahaa in shirkaas kadib uu kulan-doceed la qaato madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, sida ay Axadle u sheegen xubno ka tirsan Villa Somalia.

Xogta ayaa sheegaysa in Farmaajo uu ka qeyb-galka shirkaas uga baaqday sababo la xiriira xaalada siyaasadeed ee ka taagan dalka, xili uu dhawaan dalka u jiheystay dhanka iyo doorasho, kadib heshiiskii 27-kii May lagu saxiixay Caasimadda Muqdisho.

Baaqashada safarka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa sidoo kale qeyb ka ah xiisada ka taagan dhalinyaradii tobabarka ciidaminimo loogu qaday dalka Eritrea oo xaaladooda kasoo dareyso, xili ay xukuumadda u saartay arrintaas guddi baaris ku sameeya.

Wararka ayaa intaas kusii daray in qorshaha safarka Farmaajo ay si gaar ah u daneynayeen dowladah Qatar iyo Turkey oo ayagu maalmihii u dambeeyay ka wada-shaqeynayey kulan gaar ah oo dalkaas ku yeeshan Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kadib dib u soo celintii xiriirka labada dal.

Safarka Farmaajo ee Turkiga ayaa fursad cusub u noqona lahaa dhidibo u taagida xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, sida ay aamisan yihiin xukuumaddaha Ankara iyo Doha, kaasi oo muddooyinkii dambe uu ragaadiyey mad-madow badan, inkasta oo labada dal ay isku raaceen dib u soo celinta wada-shaqeyntii ka dhaxeysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More