Washingtontimes:-Wadaxaajoodka Al-Shabaab waxaa loo arkaa waddo lagu soo afjarayo dagaallada ka socda Soomaaliya!

Xubino hubeysan oo ka tirsan dagaalyahanada al-Shabab ayaa ka qayb galay isu soo bax ka dhacay duleedka Muqdisho, Soomaaliya.
AP

Diblomaasiyad aan horay loo arag ayaa maamulka Trump ku wajahay Afgaanistaan, waxaana su’aalo laga keenay in xeeladaha Maraykanka ee Afganistaan ay ku shaqeyn karaan millateriga Mareykanka ee Soomaaliya kana wada duqaymaha aan dhamaadka lahayn.

Inta badan falanqeeyayaasha iyo dadka ku xeel dheer arrimaha militariga ayaa sheegaya in weerarada cirka ee Mareykanka ku bartilmaameedsanayo Xoogga Al-Shabaab, oo si isdaba joog ah ugu sii kordhay dhammaan afarta sano ee uu xafiiska joogay Trump, in ay xakameyn karaan kooxda laakiin si buuxda ugama guuleysan karto Iyadoo Al-Shabaab lagu qiyaasay in ay maamusho in ka badan 25% dhulka Soomaaliya.

Dowladda dhexe ee Muqdisho oo aan awood u lahayn in ay kaligeed la tacaasho Awooda Al Shabaab, doodda ayaa ku sii kordheysa dhinacyada siyaasadda arrimaha dibedda ee ku saabsan in Mareykanku uu beddelayo iyo in kale.

Diblomaasiyiinta Ameerikaanka ah ayaa ku talinaya in diirada la saaro wadahadalada halkii dagaal aan dhamaad lahayn lagu jaangoylahaa  xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

Su’aashu waxa ay ku sii kordhaysay hoos u dhacyo xoog leh oo sanadihii la soo dhaafay ay wajaheen al Qaacida iyo Daacish ee Bariga Dhexe.

Washingtontimes oo maqaalkaan qortay ayaa ku doodaysa in Awoodda ay Al-Shabab ku haysato dhulka Miyiga ah ay dhiirrigelin u tahay dhaqdhaqaaqa jihaadiga ah ee Afrika iyo adduunka oo dhan.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ku nuuxnuuxsatay in “dib-u-heshiisiinta” dhammaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya ay fure u tahay nabadda waddanka dhaca geeska Qaarada Afrika ee dagaaladdu ladageen.

Saraakiisha ka tirsan maamulka Tramp ayaa si caadi ah u qiraya in ficil militari oo kaliya uusan aheyn jawaabta. Habka maamulka, mas’uuliyiintu waxa ay yiraahdeen, wuxuu dhiiri gelinayaa wada shaqeynta dowladda federaalka ee Muqdisho iyo shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah, kuwaas oo leh awood iyo saameyn aad u fara badan oo ka baxsan caasimada.

Ma cadda in maamulku si dhab ah uga fiirsaday in uu culeyskiisa diblomaasiyadeed ka dhigo wadaxaajoodka lala galayo Al-Shabaab si la mid ah sidii uu ula sameeyay Taalibaan ee Afghanistan. Heshiis uu Mareykanku horkacayo oo halkaas ka dhacay ayaa horseeday kala jab weyn oo ciidamada Mareykanka ah waxayna isu keentay Taliban iyo dowladda Afghanistan wada hadal fool ka fool ah usbuucii hore ee Qatar.

Falanqeeyayaasha siyaasada arrimaha dibedda ayaa si cad ugu kala qeybsan in bal in tallaabadaas oo kale ay ka shaqeyn karto Soomaaliya. Dadka qaar ayaa ku doodaya in la hadalka Al-Shabaab ay la micno tahay la xaajoodka dhamaan Ururada loogu yeero argagixisada iyo in kooxda ay dooneyso in ay bartilmaameedsato dadka Mareykanka ah ee ku sugan dibadda.

“Hoggaanka Al-Shabab wuxuu isu arkaa inuu door firfircoon ka ciyaarayo jihaadka adduunka iyagoo raadinaya awooddaas weerar, si ka duwan Taalibaan. Taasi waa hal farqi oo muhiim ah, ”ayay tiri Katherine Zimmerman, oo ka tirsan machadka Enterprise Institute oo daraasad ku sameeya kooxaha argagixisada ee Afrika.

Source:-Washingtontimes

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More