Diyaar Baan Ahay Reer Barcelona!! Cristiano Ronaldo Oo Ka

Cristiano Ronaldo ayaa qaaday tallaabo layaab leh ka hor ciyaarta mar dhow bilaabmaysa ee Juventus ay la ciyaari doonto Barcelona oo uu isagu kaga maqan yahay xanuunka Korona Fayras.

Laacibkan shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa laga joojiyey inuu ka hor tago xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ee ay muddada dheer kusoo xafiiltamayeen garoomada, kaddib markii saddex jeer oo kala duwan laga helay xanuunka.

Laakiin Ronaldo ayaa garab taagan kooxdiisa oo ka dhiirigelinaya baraha bulshada, iyadoo uu intaa ku daray in taageereyaashiisana uu dareenkooda soo jeediyey oo uu ka ilaalinayo caajiska.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidii aanu mar dhoweyd daabacnay waxa uu ka jawaabay baadhitaanka lagu sameeyey oo uu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin kaddib markii saddex jeer oo is xigtay lagu sameeyey baadhitaan oo intaba lagaga helay, taas oo sabab u noqotay inuu ciyaartan ka maqnaado.

Ronaldo ayaa mar kale bartiisa bulshada kusoo jeediyey taageereyaashiisa, waxaana uu sidoo kale ka yaabsaday Barcelona, kaddib muuqaal uu ku baahiyey bartiisa Twitterka.

Video gaaban oo uu Twitterka soo dhigay ayuu Ronaldo isku soo bandhigay isaga oo u labbisan sidii ciyaartoy garoonka gelaya, waxaanu ku daray dabbaal-degga uu sameeyo marka uu goolka dhaliyo ee “SIUUUU”.

Muuqaalkan ay jeclaysteen taageereyaasha Juventus ee ay ku adag tahay inay rumaystaan in xiddigoodani uu ka maqan yahay Barcelona oo uu 15 gool kasoo dhaliyey 20kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu ka hor tegay oo dhamaantood ahaa waqtigii uu joogay Real Madrid, ayaa waxa ay hadda niyadda ku dhisanayaan inuu ciyaari doono kulankooda labaad ee ka dhici doona Camp Nou marka ay taariikhdu tahay December 8.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More