RW Rooble oo QM la wadaagay Doorashada 20/21, Amniga &

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbad ka jeediyay Shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku xog dhageysanayay Xaaladda Soomaaliya & diyaargarowga Doorashada 20/21.

Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga (Video Conference) waxaa mid mid loo dhageystay warbixinnada ay hayaan shaqsiyaadka ka qaybgalay oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Xukuumadda Soomaaliya, Hoggaanka sare ee AMISOM, Hay’adaha la socda xaaladda dalka & haweenka oo door wanaagsan laga siiyay.

War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka 1-aad ee XFS ayaa lagu sheegay in ugu horeyn diiradda lagu saaray xaqiijinta Qoondada Haweenka ee 30% ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka gaar ahaan kuraasta la dooranayo ee BFS.

Rooble ayaa sheegay in ujeedka loo socoda uu yahay in matalaadda Haweenku gaarto 50%,  xeer hoosaadka Baarlamaanka dhawaan Ansixiyayna sidaas ay ku xusan tahay in Dumarka loo kordhiyo Qoontada ka qaybgalka Siyaasadda.

Waxa uu bogaadiyay Ciidamada Xoogga Dalka oo kordhiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Rooble ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen waxa uu ugu yeeray Argagixisada sida uu hadalka u dhigay.

Xorriyadda Hadalka & Saxaafadda, Dhaqaalaha Dalka, Amniga guud ee waddanka, Doorashada 20/21, Saameynta taban ee Covid-19, Dadaalka Dowladda Federaalka ee wax ka qabashada xannuunka & qodobo kale.

Dhanka kale, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya & madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay isu diyaarisay sugidda amniga goobaha lagu qabanayo Doorashada 20/21.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More