Qalbidhagax oo gaaray Nairobi – AxadleTM

Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo Khamiistii laga sii daayay Xabsi ku yaal Itoobiya ayaa ka dhoofay Garoonka Bole ee Magaalada Adis-Ababa.

Qalbidhagax, Waxa uu gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya oo ay kasoctay qabanqaabo balaaran oo loogu jiro soo dhaweyntiisa, Dadka soo dhaweynaya ayaa isugu jira shacab taageero u haya Sarkaalka iyo Xubno kamid ah ONLF oo si caadi ah Nairobi u jooga.

Gawaari ay ku ixranyihiin Cod baahiyayaal, ayna ku dheganyihiin Sawirrada Qalbidhagax ayaa dhexmaraya Xaafada Islii, iyadoo dadka loo sheegayo in ay isugu soo baxaan soo dhaweynta C/kariin Sheekh Muuse oo caan ku ah Qalbidhagax.

Sawirrada soo dhoweynta Qalbidhagax oo lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa Muujinaya Qalbidhagax oo xiran suut fadhiyana  qeybta VIPda Garoonka Bole ee Dalka Itoobiya, isaga oona ku hadlaya Telefoon.

Qalbidhagax, ayaa la filayaa inuu hadal ka jeediyo Xaflad Goordhow ka bilaabaneysa Magalaada Nairobi, marka uu ka dego Garoonka meesha ugu horeysa ee uu tagayo ayaa la soo sheegayaa in ay tahay halka Xafladiisa ay ka dheceyso.

waxaa suuragal ah in Qalbidhagax, uu Muqdihso ugu sii gudbi doono Socdaalkisa, isaga oo wareysi uu Todobaadkan bixiyay ku sheegay in socdaalkiisa uu ka bilaabanayo Nairobi, kuna soo afjarayo  Muqdisho, dadkii ii dmaqaday ayaan soo salaamayaa ayuu dhowr jeer ku celceliyay Qalbidhagax.

xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ka qaygalay soo dhoweynta Qalbidhagax, kuwaas oo qaarkood kamid ahaa xubnihii sida adag uga horyimid gacangelintii dowladda xukuumadda Soomaaliya ay ugu dhiibtay Itoobiya Qalbidhagax bishii Agosto-2017

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More