Putin iyo Macron oo u jeediyay xabad-joojin wadamada Armenia

Hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin iyo kan Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah oo u dhaxeysa ciidamada qowmiyadaha Armenia ee Nagorno-Karabakh iyo Azerbaijan, maadaama tirada rasmiga ah ee dhimashada ay kor u dhaaftay 100 labada dhinac iyaga oo sheega in ay sii wadayaan dagaalka.

“Vladimir Putin iyo Emmanuel Macron waxay ugu baaqeen dhinacyada dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalka gebi ahaanba sida ugu dhaqsiyaha badan, in xiisadaha la qaboojiyo oo la muujiyo xakameynta ugu sareysa” ayaa ku yiri hadal uu soo saaray goor hore oo Khamiistii ah aqalka madaxtooyada Ruushka.

Wadahadal taleefan oo ku yimid dhanka Macron, labada hoggaamiye waxa ay ka wada hadleen “astaamaha la taaban karo ee iskaashiga dheeriga ah, oo ay ugu horreyso qaab dhismeedka kooxda OSCE Minsk Group” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Kremlin-ka

Hoggaamiyayaashu waxa ay muujiyeen “u diyaar-garoow” in ay arkaan bayaan ay soo saareen iyaga oo ku hadlaya magaca guddoomiyeyaasha kooxda Minsk – Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanka – kaasoo ku baaqaya in “deg deg” la joojiyo dagaalka oo la bilaabo wadahadallada, ayuu Kremlin-ku  ku daray hadalkiisa.

Labada dhinac ayaa ku dagaalamaya dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca magaalada Karabakh, oo ka tirsan gobolka Armenia ee qowmiyadeed oo ka go’ay Azerbaijan 1990-yadii markii Midowgii Soofiyeeti burburay.

Illaa iyo hadda, Armenia iyo Azerbaijan ayaa diiday baaqyada caalamiga ah ee wadaxaajoodka.

Hogaamiyaha Azerbaijan Ilham Aliyev wuxuu balan qaaday in militarigiisa ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa ciidamada Armenia ay si buuxda uga baxaan Karabakh.

Haddii “dowladda Armenia ay fuliso dalabka, dagaalka iyo dhiig daata waa la joojin doonaa, nabadna waa laga abuuri doonaa gobolka,” ayuu yiri isagoo booqanaya askarta dhaawaca ah Arbacadii.

‘U diyaar garow dagaal waqti dheer ah’

Raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa dhankiisa sheegay in aysan “aad u habooneyn” in laga hadlo wadaxaajoodka “xili lagu jiro dagaal xoogan”.

Magaalada Armenia ee Yerevan, daraasiin rag ah ayaa isugu soo baxay banaanka si ay qorista ciidanka oo ay ugu biiraan dagaalka.

Hogaamiyaha Karabakh Arayik Harutyunyan ayaa yiri Arbacadii: “Waxaan ubaahanahay inaan udiyaar garowno dagaal waqti dheer soconaya.”

Magaalada caasimada u go’ay ee Stepanakert, labo qarax ayaa laga maqlay saqdii dhexe ee Khamiista waxaana layeeriyay seeriga.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in magaalada ay weerareen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones.

Wadooyinka ayaa mugdi ah iyadoo la xiray nalalka guryaha iyo wadooyinka, in kastoo dukaamada qaar ay ka furnaayeen magaalada, taasoo maamulka maxalliga ah ay sheegeen in ay rasaas ku dhacday markii ugu horreysay ee uu dagaalku qarxay Axaddii.

Tirada rasmiga ah ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay 100, oo ay ku jiraan dad rayid ah, iyadoo labada dhinacba ay sheegteen in ay qasaaro lixaad leh gaarsiiyeen dhinaca kale.

Armenia waxay soo warisay 104 askari in ay dhinteen iyo 23 qof oo rayid ah.

Waxa ay sheegatay in Azerbaijan ay ka dishay 130 askari halka 200 kale ay dhaawacmeen.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Azerbaijan ayaa ka hortimid, iyadoo sheegtay in ciidamadeedu dileen 2,300 oo ciidammada Karabakh ah ayna “burburiyeen 130 taangi, 200 oo unug oo madaafiic ah, 25 unug oo ah kuwa lidka diyaaradaha, shan bakhaarro rasaas ah, 50 unug oo taangiyada ka hortagga ah, 55 gaadiidka dagaalka ah”

Iyada oo Baku iyo Yerevan ay diideen wadahadalada, ayaa waxaa soo ifbaxay cabsi laga qabo in khilaafku isu rogo dagaal dhan walba ah, kaas oo sidoo kale ku soo jiidan kara awoodaha gobolka sida Turkiga iyo Ruushka.

Moscow oo heshiis militari kula jirta Armenia sidoo kalena xiriir wanaagsan la leh Azerbaijan ayaa dhowr jeer ku baaqday in dagaalka la joojiyo waxayna ku yaboohday in ay marti galiso wadahadalo.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ruushka Sergei Lavrov wuxuu xaqiijiyay Moscow “in ay diyaar u tahay” abaabulka kulan.

Laakiin labada hoggaamiye midkoodna ma muujin calaamado inuu diyaar u yahay wadahadallada.

“Xaqiiqdii waxaan aad ugu dhownahay inaan aragno dagaal ballaaran, oo suuragal ah xitaa heer gobol,” ayay tiri Olesya Vartanyan oo ka tirsan Kooxda Dhibaatooyinka Caalamiga.

Ku dhawaaqida madaxbanaanida Karabakh ee Azerbaijan waxay dhalisay dagaal horaantii 1990s oo galaaftay nolosha 30,000, laakiin dhulkaas ma aqoonsano wadan, oo ay ku jirto Armenia.

Wadahadaladii lagu xalinaayay dagaalada ayaa inta badan hakad galay tan iyo heshiiskii xabad joojinta ee 1994.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More