Maxay kawada hadleen Khayre iyo Qoor Qoor?

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa kulan gaar ah yeeshay hoyga Ra’iisul wasaarihii hore.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyagoo ka wada hadlayay arrimaha siyaasadda iyo tuhuno labada dhinac ku kala jiray ee la xiriiray riditaankii Kheyre oo warar soo baxayay sheegayeen inuu wax ka ogaa Qoorqoor.

Xasan Cali Kheyre oo ka falceliyay kulanka ayaa sheegay in kulan miradhal ah la qaatay madaxweynaha Galmudug, ayna ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Internet-ka ku daabacay.

“Sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa”ayuu hadalkiisa raaciyay Khayre.

Xasan Cali Kheyre ayaa qeyb ka ahaa shirkii Dhuusamareeb 2, iyadoo saddex maalin kaddib markii shirkaas soo gabagboobay uu Golaha Shacabka si lama filaan ah xilka ugu tuureen, taas oo dhalisay dood ku aadan sharci ahaanta Mowshinkaas.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa markii codka kalsoonida lagala laabanayay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, iyadoo la sheegay in markii uu soo baxayay aanu xitaa soo sagootin Madaxweyne Qoorqoor, waana tuhunka ka dhashay inuu wax ka ogaa ridistiisa.

Kheyre ayaa lagu xusuustaa dadaalkiisa dhismaha Galmudugta cusub, isagoo waqti badan ku bixiyay, iyadoo sidoo kale uu dhisay Madaxweyne Qoorqoor oo ka mid ahaa Golihiisa Wasiirada,inkastee Qoorqoor lagu xanto in uu qayb ka ahaa xilka qaadistii Khayre.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More