Mas’uuliyiin katirsan Hir-Shabeelle oo dhiirageliyay soo

Magaalada Jowhar Xarunta DG Hir-Shabeelle waxaa lagu soo gaba-gabeeyay kulan dadka looga dhaadhicinayay joojinta hayb-sooca qaar kamid beelaha Soomaaliyeed ee dhanka Siyaasadda iyo dhaqanka.

Mas’uuliyiinta maamulka Hir-Shabeelle ee kulanka ka qaybgashay waxaa kamid ah: Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Canab Axmed Ciise, Wasiirka Diinta & Awqaafta Hir-Shabeelle Sheekh Abuukar Cali iyo Odoyaasha dhaqanka Degmada Jowhar.

Qaar kamid ah odoyaasha kulanka ka hadlay waxa ay sheegeen in hayb-sooca beelaha qaar loo geysto uu salka ku hayo dhaqamada aan wanaagsaneen ee dadkii hore ku dhaqmi jireen, balse haatan la doonayo in laga gudbo.

“Isla weyni waan duugnay, kala sareyn waan aasnay, wax la is dheeryahay ma jirto oo Aadan iyo Xaawo ayaa laga soo wada tarmay, waa dulmi lagu xiray caado dhaqameed hore oo aan wanaagsaneen, waana wax kahor imaanaya diinta Islaamka & Dhaqanka Soomaaliyeed, waa in aan jiheynaa mustaqbalka Jiilka dambe oo aan duugnaa waxyaabaha aan wanaagsaneen” Sidaasi waxaa yiri qaar kamid ah Odoyaasha.

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Hir-Shabeelle ayaa sheegay in hayb-sooca dhibaato weyn ku tahay dadka lagu sameeyo, maadaama loo muujinayo iska sareysiin laguna liidato sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Canab Axmed Ciise ayaa soo jeedisay in la laabo bogga madow ee lagu hayb-soocayo Shaqsiyaadka qaar, lagana gudbo caadooyinka lagu xakameeyay guurka, dhaqanka iyo wada-noolaanta.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Canab Axmed Ciise

Inta badan waxaa lagu hayb-soocaa dadka Siyaasadda iyo dhaqanka, waxaana xilalka awood qaybsiga DFS & DG lagu bixiyaa nidaamka 4.5-ta oo mid kamid ah Beelaha laga dhigay in ay ka hooseysa afarta beelood ee kale, kana mudan yihiin xilalka sare iyo kuraasta.

Halka qaarkood aysan xilal ka heyn Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada sida ay Axadle u xaqiijiyeen qaar kamid ah Odoyaasha dadka la hayb-sooco.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More