Mareykanka oo Itoobiya ku taageeray Gaadiid ay u adeegsato

War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay taageero Militari siisay Dhiggeeda Addis Ababa si ay ugu adeegsato howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Bayaanka Safaaradda ayaa lagu sheegay in Deeqdaan ay isugu jirto Taageero Militari iyo tababarro la siinayo ciidamo Itoobiyaan ah si ay isaga difaacaan weerarada Khatarta ku ah ee Al-Shabaab uga imaanaya.

Mareykanka ayaa Itoobiya taageeradaan tooska ah ee uu siiyay ka gacansiineysa dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada & la socodka dhaq-dhaqaaqoodaba.

Gaadiidka Mareykanka uu ku wareejiyay Itoobiya

Waxyaabaha la siiyay Itoobiya waxaa kamid ah: Gawaarida Gurmadka degdeg ah (Ambulances) Gawaarida yaryar ee ka gudba Dhulka culus isla markaana awooda safarada dhaadheer ee (Land Cruisers), kuwa qaada Sahayda iyo Askarta ee Dul bannaanka ah & Agab kale oo dhanka Ciidanka ah.

Gaadiidka Gurmadka degdega ee Ciidamada loo diyaariyay.

Mareykanka ayaa taageeradaan ugu talagalay in lagu awood qaado Ciidamada Difaaca Itoobiya oo qaybo kamid ah Soomaaliya jooga iyaga oo xiran Koofida Cagaaran ee Midowga Afrika & Askar kale oo si toos ah u hoostaga Wasaaradda Gaashaandhigga oo aan la caddeyn ujeedka joogitaankooda Soomaaliya.

Gaariga nuuca Ciidanka iyo Saadka u qaadaya ee lagu wareejiyay Itoobiya

Qalabka Militariga Dowladda Mareykanka ay siisay Itoobiya ayaa lagu bixiyay bil gudaheed, kaliya Xukuumadda Washington ay u qorsheysay la dagaalanka Al-Shabaab iyo sugidda amniga geeska Afrika.

Qaar kamid ah qubarada dhanka Ciidanka waxa ay sheegeen in Mareykanka markii horeba uu taageero dadban iyo mid toos ah uu siinayay Dowladaha dariska la ah Soomaaliya gaar ahaan Itoobiya oo Askarteeda gudaha Dalka usoo tallaabay iyaga oo ku dooday in ay garabsiinayaan Dowladdii KMG ahayd ee Kenya lagu soo dhisay, si ay uga difaacaan Midowgii Maxkamadaha.

Sareeye Guuto Negeri Sarkaalka Itoobiya u qaabilsan Weerarada.

Dabayaaqadkii 2006-dii waxaa Magaalada Muqdisho soo galay Askartii Itoobiya & Ciidamadii Dowladdii KMG ahayd, wixii xiligaas ka dambeeyay dagaalo sababay dhimasho, dhaawac, Khasaare maaliyeed iyo barakac ayay ku galeen Caasimadda.

Isha:- Al-ain.com   /   Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More