Maraakiib ganacsi oo ku xayiran Xeebaha Boosaaso. –

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran yihiin doonyo iyo maraakiib sida Shixnado ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed.

Doonyaha iyo Maraakiibta oo shixnado ganacsi ka keenay dalalka Carabta, gaar ahaanna Cummaan iyo Imaraatiga, ayaa saacado ku xayiran xeebta Boosaaso, kadib markii lagu wargeliyay in ay halkaas ku hakadaan, maadaama ciid laga saarayo Marinka dekedda Bosaaso ee Puntland.

Maamulka dekedda Boosaaso, ayaa Doonyaha iyo Maraakiibta ku wargeliyay in aysan xeebta soo dhaafin inta Marinka dekedda laga saarayo Ciid la sheegay in halkaaas ay buuxisay.

Ganacsatada oo qaarkood la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in badeecadooda ay ku xariyanyihiin duleedka Xeebaha Boosaaso ayna ka codsanayaan maamulka Madaxweyne Deni in ay fududeeyaan sidii badeecadaha ku soo gaari lahaayeen dekado Boosaaro.

Dekedda Boosaaso, waxa gacanta ku haya Shirkadda P&O, oo ay leedahay DP World, taas oo sheegtay in ay dayactir iyo ballaarin ku samayn doonto, inkastoo aysan waxba ka qaban mudadii ay joogtay.

11 Augost 2020, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tagay Jabuuti waxa uuna kala hadlay Hogaamiyaha Jubuuti Ismaaciil Cumar Geelle dhismaha iyo hagaajinta dakedo Boosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu wayn Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More