Mahad Salaad, Odowaa iyo Saabir oo ka jawaabaya baaq ka soo yeeray

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Mahad Salaad, C / raxmaan Odawaa iyo C / saabir Shuuriye ayaa si kulul ugu jawaabay xildhibaanada Habargidir oo xalay taageero u muujiyay Farmaajo kana soo horjeeday xildhibaanada tagay Shirkole.

Mahad Salaad ayaa sheegay in xildhibaanada Farmaajo xalay kasoo dhex hadlay ay yihiin kuwo uu lacago joogta ah siinayay intii xukunka uu joogay, islamarkaana aan marnaba kasoo horjeesan karin, sida uu hadalka u dhigay..

“Xilldhibaano ka tirsan Farmaajo oo hadlay xalay kuwaas oo biilka sinayey mudo afar sano ah walina u haysta inuu noolyahay ama ka matajin karo wixii ay cuneen hadii ay diidaan fariintiisa, walaalayaal raali ka noqda Maxaa yeelay dadna Farmaajo ayaa u ah duunyana waa mida ay gacantiisa ka sugaan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa kale oo macquul ah in dadka degan Shirkole aysan aqoon qabiil ay ka soo jeedaan oo Farmaajo u sheegay in eheladiisa ay degan yihiin halkaasna aan aadnay. XOOLO DARMADAY AYAAN MAQLI JIRAY EE KUWAANI WAA DAD DARMADAY!.”

C / raxmaan Odowaa ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay xildhibaanada isaaga xoreeynayo Farmaajo ee cadaadiska kaga imaanayay beeshiisa kadib markii uu si sharci daro ah waqtiga ugu kordhistay.

Odowaa ayaa ku dhaliilay xildhibaanada ay isku beel ka soo jeedaan inaysan u hadlin shacabka ay matalaan, balse ay u hadlaan rabitaanka Farmaajo iyo aragtidiisa qallafsan.

“Farmaajo, markay kululaato arrinta, wuxuu ka soo dhex hadlaa kuwa hareerahaaga ah ee dad kuu xiga. Xalay kuwo aan qaraaba nahay ayuu ka soo dhax hadlay, Haddii ay dadka matalaan may meesha ay dadku joogaan ka so dhax hadlaan waa kuwa ina Farmaajo agtiisa laga so shidaaye sida cajalade. Nafeey nin ku doono ku waa aan maqli jiray!” ayuu yiri.

Isla waqtigaas, Galmudug, Wasiirka Dekedda iyo Kalluumeysiga Cabdisabir Nuur Shuuriye, oo isna ujawaabey xildhibaano ay soo dirtay Villa Soomaaliya oo taageersan Farmaajo, wuxuu sheegay iney ka doorteen masiirka ummadooda madaxweynaha waqtigiisa dhamaadey.

Wuxuu carabka ku adkeeyay inaysan mar dambe ka dhuuman doonin xubnaha daaha gadaashiisa ka jooga ee uu hogaamiyo Farmaajo, isla markaana ay barteen waxa ay yihiin, taasina ay ku baraarujisay beeshooda.

“Jawaab kale nagama mudnidin oo inaan idinku mashquulno ma doonayo Farmaajo ayaa shaqo nooga baahan lakin waxaan idin leeyahay haka so hadline Villa Somaliya ee imaada Shiirkole oo u sheega dadka aad leedihiin waa u tureynaa waxaad Villada ka soo sheegaysaa,” ayuu yiri.

“Shirkole iyo Farmaajo, waxaad doorateen Farmaajo oo howshiisu dhamaatay, waadna ku mahadsantihiin cadeynta aad iscadeyseen ee aad  shacabka u soo bandhigteen.”

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaladda laga dareemayey  dhaqdhaqaaq xoog leh oo lagula dagaalamayey madaxweynaha xilka haya, maadaama siyaasiyiinta mucaaradka ay u aqoonsadeen “hoggaamiyeyaasha sharci-darrada ah” Villa Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More