Madax kala duwan oo Salaada Janaasada ah

Meydka madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya AUN Cali Mahdi Maxamed ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Salaada Janaasada ayaa lagu dukaday magaalada Muqdisho waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan.

Madaxdii ka soo qeyb gashay salaada janaasada ayaa kala ahaa: Hogaamiyaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C / llahi Farmaajo, Madaxweynayaashii ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha BFS Maxamed Mursal Sheekh C / raxmaan, Cabdi Xaashi C / laahi & kuxigeenadooda

Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galaya: Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, Hogaamiyaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud. Maxamed Finish, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya C / raxmaan C / shakuur Warsame, Wasiiro iyo masuuliyiin kala duwan.

Intaas ka dib, waxaa loo qaaday qabuuraha si loogu aaso, dadweyne aad u fara badan oo badankood yaqaanay AUN Cali Mahdi ayaan awoodin inay ku tukadaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dhammaan dadkii hadlay waxay Alle uga baryeen dambi dhaaf, janno, waxayna si gaar ah tacsi ugu direen qoyskii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More