Laba su’aal oo mudan in wax la iska waydiiyo kadib heshiiski…

Waxaa Shalay  soo gebageboobaya shirkii wadatashiga ee doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ugu dambeeyey ee furmay 22-kii bishaan, kaas oo ku soo dhammaaday is-afgarad iyo heshiis dhinacyadu raalli ku wada yihiin.

Su’aal baase mudan in la isweydiiyo: “Maxaa lagu heshiiyey?”

Waxaa muddadii shanta (5) maalin ahayd ee uu shirku socday lagu heshiiyey in la meelmariyo heshiiskii 17-ka September 2020 iyo habraacii Baydhabo ay soo jeediyeen guddigii farsamada doorashooyinka qaran 26-kii February 2021.

Su’aal labaad baa halkaa ka dhalanaysa oo ah: “Maxaa dalka khalkhal amni loo galiyey oo markii hore ba loo meelmarin waayay heshiiskii 17 September 2020?

Sida u muuqata Soomaalida inteeda badan ee siyaasadda dalka si dhow ula socota, heshiiska 17ka September 2020 lama diiddanayn ee waxaa bartilmaameedku ahaa Madaxweynaha dalka oo la doonayay in la waydaariyo isu-soo-taaggiisa kursiga dalka ugu sarreeya mar labaad.

Waxaa dad badan oo aan anigu ku jiro aaminsan yihiin in markii horeba ujeeddada laga lahaa heshiiskii 17ka September 2020 ee doorashooyinka dadban ahayd in dalka laga weeciyo doorashadii tooska ahayd ee ay labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka ansixiyeen, Madaxweynuhuna qalinka ku duugay 21-kii February 2020.

Libinta ansixinta doorashada toosan ma ahayn libin uu leeyahay Madaxweynaha kaliya ee waxaa lahaa dhammaan dadyowgii ku lug lahaa soo diyaarintiisa, ansixintiisa iyo saxiixiisa oo ay ugu horreeyaan guddigii madax-bannaanaa ee doorashooyinka qaran; waxaase loo fahmay in libintaasu Madaxweynuhu leeyahay sidaasaana lagu mucaaraday.

Markii Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay doorasho dadban 17-kii September 2020, jadwal qurxoonna la dajiyey kaas oo suurtogalinayay in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 08 February 2021, waxaa lama filaan ku noqotay dhinacyadii horey u diiday sharcigii doorashooyinka tooska ahaa dheganuglaanta Madaxweyne Farmaajo iyo sida ay uga go’an tahay in aan hal maalin lagu darin muddo xileedka xukuumadda doorashadana ay ku dhacdo goortii loogu talagalay laguna asteeyo maalinta 08 Feb maalin isbeddel.

Waxay dhinacyada dawlad goboleedyada mucaaradka ah is tuseen in Farmaajo sumcaddiisu kor u kacday mar haddii uu cadaadiskii ay saareen u hoggaansamay (tanaasul muujiyey) taa micnaheedana u fasirteen in uu diyaar u yahay doorasho nooca ay doonto ha ahaatee.

Si sumcadda iyo diyaargarowga looga majo-xaabiyo, waxay mar labaad ku tashadeen dawlad goboleedyada mucaaradka ah (waa Puntland iyo Jubaland e) in aysan dalka ka dhicin doorasho ilaa laga gaarayo 08 February 2021 si sharciyaddiisu u idlaato, gorgortankiisu u wiiqmo, eedda dib-u-dhaca doorashooyinka dusha looga tuuro, fursadna halkaa ay ka helaan mucaaradka bidix ee fog (Midowga musharrixiinta); tashigaa waxa uu yimi kadib safarro ay ku soo kala mareen madaxda Puntland iyo Jubaland dalalka Isutagga Imaaraatka iyo Kenya heshiiskii 17ka September 2020 kadib sida uu Madaxweynuhe Farmaajo laftiisa ku sheegay maqaalkiisii “Ha igu eedeeyn dib-u-dhaca doorashooyinka dalka”.

Waxaa marna laga waayey in heshiiskii 17ka September 2020 uu dhinacooda ka fulo. Waxa kale oo ay istuseen in fursad la siiyo tartamayaasha ka soo horjeeda isaga si ay u diyaargaroobaan maadaama uu heshiiku kedis ku noqday dhinacyada.

Waxaa taa xigay shaqaaqooyin iyo abaabul dagaal oo ay maleegeen mucaaradka bidix ee fog ayaga oo ku guuleystey in ay u kala qaybiyaan ciidammada qaranka qaab qabyaaladaysan Muqdishana soo dhoobaan si uu dalka dagaal baahsan uga dhaco, islamarkaana Madaxweynaha lagu shaabbadeeyo dagaal-ooge; waa dhagar uu si xikmad leh uga booday Madaxweyne Farmaajo taas oo ku kalliftay in uu mar labaad ka codsado baarlamaanka ku noqoshada heshiiskii 17ka September 2020 mar haddii ay isla dhinacyadii horey u diiddanaa ay weli diiddan yihiin doorashada toosan ee danta la biday 12 April 2021.

Markii ay halkaa taagan tahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu go’aan ku gaaray in uu u xilsaaaro Ra’iisalwasaaraha arrimaha doorashooyinka si madax bannaan, natiijo walba oo ay gaaraan na uu la qaato shuruud la’aan; balse wixii ceeb ah ee ka yimaada fulinta heshiisyada doorashooyinka ay si buuxda u qaadaan  Madaxda dawlad goboleedyadii curyaamiyey doorashada, asaga oo markhaati gashaday shacabka Soomaaliyeed in ay kala ogaadaan cidda diiddan in dalku u dareero doorasho.

Dadka siyaasadda indha-indheeya ayaa qaba in mucaaradku aysan marna diyaar u ahayn in ay tartan la galaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay u arkaan in uu uga itaal roonaanayo tartanka haddii uu isu soo taago kursiga.

Haddaba, mar haddii 18 habeen kadib, isla heshiiskii 17ka September 2020 lagu heshiiyey in la meel mariyo, xaalku sow jugjug halkaagii joog ma aha? Sow ma ahayn Farmaaja diidnimo halka ay dadka u tusayeen saluug doorasho.

Waxaa qoray; Nasrudin Mohamed Ahmed

nasrudiinma@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Axadle. Axadle, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada info@axadletimes.com Mahadsanid

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More