Kenya oo walwal ka muujisay Weerarada Al-Shabaab ee Basaska

Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkii labaad oo lagu qaaday Gaari bas ah uu ka dhacay Gudaha Dalkaas gaar ahaan deegaannada dhulka Soomaalida ee Kenya maamusho.

Dhacdadii ugu dambeysay waa weerar lagu qaaday bas mararay inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Kotulo, kadib markii koox hubeysan oo loo maleynayo in ay katirsan yihiin A-Shabaab weerartay bas ka yimid Magaalada Nairobi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhaawac soo gaaray 8-ruux oo qaarkood laga deerinayo dhaawacooda oo ah mid halis ah sida dhaqaatiirta daweyneyso ay u sheegeen ehelka bukaannada dhaawacyada laga daweynayo.

Taliska Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay baaris ku wadaan kooxda Baska weerartay oo gashay dhulka keynta ah ee u dhaw halka weerarka ay ka fulisay, waxaana laga howlgeliyay ciidamo booliis ah oo kaashanaya dadka deegaanka.

Dowladda Kenya ayaa dajisay qorshe lagu sugayo ammaanka dadka raacaya gaadiidka dadweynaha oo marar kala duwan Al-Shabaab rasaas ku furtay, halka xiliyada qaar dad kala degtay Gaadiidka.

Tallaabada amni sugidda xukuumadda Nairobi ayaa ah in basaska la raaciyo ilaalo hubeysan oo ogolaanshiyo ka heysta Dowladda, si ay dusha u saarato mas’uuliyadda nabadgalyada dadka safraya.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More