Ka waran safarkii Muuse Biixi ee Jabuuti? –

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti si uu ula kulmo Hogaamiye Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarka degdega ee Muuse Biixi ayaa salka ku haya sidii uu Geelle ugala hadli lahaa xaalada siyaasadeed iyo arimo kale oo aan wali warbaahinta loo soo bandhigin laakiin gadaal laga daabici doono.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Gobaladda Waqooyi oo ku saabsan socdaalka Muuse Biixi ayaa lagu sheegay in Hogaamiye Ismaaciil Cumar Geelle uu kala hadli doono danaha, xiriirka iyo cilaaqaadka sida ku xusan.

Ilo diblumaasiyadeed ayaa Axadle u sheegay in Hogaamiyaha Jabuuti iyo Muuse Biixi Cabdi ay ka wada hadlayaan dib u bilaabista wadahadaladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Gobaladda Waqooyi, wixii dhacay iyo natiijada guddiyada.

Muuse oo ah nin u ololeeya arrimaha siyaasada gooni u goosadka waqoyi galbeed ayaa dhawaan gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaas oo uu maalmo ku sugnaa, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu kulamo la qaatay hogaamiyayaasha ugu sareysa Uhuru Kenyatta.

Laakiin ka hor intuusan dhammaan safarkiisa Nairobi, xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya waxaa u jaray dowladda Soomaaliya oo ku edeysay in ay ku xadgudubtay siyaasadda, dhuleed & sharaftii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa ku xigay booqasho uu Wasiirka Arimaha Dibada ee Malawi ku yimid Hargeysa, halkaas oo uu bilihii la soo dhaafay u ololeynayay xoojinta xiriirka curdinka ah ee Taiwan iyo Muuse Biixi Cabdi.

Dhaka kale IGAD waxay ku baaqeysaa in la xoojiyo wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka & Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More