Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ku eedeeyay madaxda DFS boob ka dhan ah Matalaadda Gobaladda Waqooyi!

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta oo Axada shir jaraa’id ku qabtay caasimada wadanka ee Muqdisho ayaa ka hadlay heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya iyo arrimo kale.

Hogaamiyaha Mucaaradka ah ayaa sheegay in doorashada la boobayo ee la rabo in la dhaco ay tahay kuraasta xubnaha ka soo jeeda Gobaladda Waqooyi ee doorashadooda ka dhaceyso Muqdisho, isagoo dalbaday in loo madax banaaneeyo dadka ka soo jeeda sida odayaasha dhaqanka iyo dadka ku matala siyaasadda.

“Waxaan dalbaneyna Gobaladda Waqooyi doorashadeeda in loo madax banaaneeyo dadka deegaanada ka soo jeeda siyaasiyiin ayay leeyihiin, dad ku matala talada dalka, odayaal rug cadaa dhaqan ayay leeyihiin, meesha la boobayo ee la rabo in la dhaco waa doorashada Gobaladda Waqooyi waa arrin aan indhaha ku heyn doono” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Warsame oo ka hadlayay tanaasulka uu sameeyay Hogaamiye ayaa sheegay in haddii ay dhab ka tahay inuu caddeeyo, isaga Taliska Nabadsugida Soomaaliya ku eedeeyay in uu noqday hay’ad siyaasi ah oo aan waxba ka qaban shaqadii loo igmaday sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii Hogaamiye tanaasulka dhab ka tahay dib u habeyn haku sameeyo Taliska Nabadsugida oo noqotay Hey’ad Siyaasadeed, shaqadii la dagaalanka Argagixisada ay gabtay, oo caadeystay inuu ku dhex milmo siyaasadda, oo saxaafaddii iyo siyaasiyiintii ay ka dhaqaaqi la’yihiin, tallaabooyinka tanaasulka uu caddeyo dib u habeyn ku sameeyo” ayuu yiri.

“Dad mas’uuliyad leh oo khibrad iyo aqoon u leh dhex dhexaad u ahna  dadka siyaasiyiinta inuu geeyo, haddii uu daacad ka yahay waxa uu sheeganayo” ayuu hadalkiisa raaciyay ka dib shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Muqdisho.

Dhinaca kale waxa uu dalbaday in la caddeeyo labada deegaan ee ay ka dhaceyso doorashada, isla markaana lakala caddeeyo qorshaha doorashada ee November ka bilaabaneyso in ay noqoto December bilowgeeda in Xildhibaanada la doorto, si aanay uga dib dhicin 27 December oo ah xilliga uu dhamaanayo waqtiga Baarlamaanka Labada Aqal.

17 September 2020 ayaa waxaa magaaladda Muqdisho laga soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay madaxda Dowladda Faderaalka, Dowlad-goboleedyada 5 ah iyo maamulka Gobolka Banaadir taas oo looga hadlayay arimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/21.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu qeexay xilliga rasmiga ah ee ay bilaabanayso doorashada Soomaaliya, in magaaladda Muqdisho ka dhacay doorashada xildhigaanada labada gole ee deegaanada Gobaladda Waqooyi iyo in Dowlad-goboleed kasto doorasho ka dhacdo ugu yaraan 2 goobood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More