HG Farmaajo oo si faah-faahinsan uga hadlay Siyaasadda,

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Dalka, Doorashada 20/21, Amniga, wadatashiga, wadahadalka Gobaladda Waqooyi, arrinta dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya iyo qodobo kale.

Ugu horeyn waxa uu dul istaagay xaaladda amniga dalka, waxaana uu ku faanay in diiwaangelinta askarta Dowladda ay dhabarjab ku noqotay weerarada Al-Shabaab, isaga oo is barbar dhigay Dowladdiisa & labadii Dowladood ee ka horeeyay.

“Al-Shabaab muddo 12-sano ah ayay soo jirtay oo ay dagaalameysay, muddadaas waxaa soo maray saddex Dowladood, marka uu jiro xasilooni siyaasadeed oo Dowladdu ay ka shaqeyneyso tababarka, siinta xuquuqdooda & tayeynta Ciidamada, mar hore ayay Al-Shabaab dalka ka bixi lahayd, dhammaan waan u dhameystirnay, waxaana siinay xuquuqdooda, diiwaangelinta waxa aan ku ogaanay ciidankeena, waana tan keentay in ay hoos u dhacdo awooddoodo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Al-Shabaab ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo ay dilal u geysatay Xildhibaanno, dad Dowladda u shaqeeya & Shacab, balse wax badan laga qabtay, marka lala barbar dhigo Dowladihii ka horeeyay tan uu hoggaamiyo in ay awood dhimeen Shabaab.

“Dad badan way laay-jireen (Dili jireen) oo ay kamid yihiin Xildhibaanno, dad u shaqeeya Dowladda & Shacab, waxa aan la dagaalameyno waa wiilasheena, marka nala barbar-dhigo waqtiyadii hore, waan ka awood roonahay Al-Shabaab, waxa ay kusoo uruureen miino dhigis iyo weerar gaaditaan ah oo ay ku qaado Saldhigyada” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay waxyaabaha keenay in laga quusto doorasho qof & Cod ah, maadaama loolanka doorashadiisa uu kusoo galay, waayihii dambe uu aad u hadal hayay.

Rajo xumo ayuu ka muujiyay in dib loogu laabto doorasho dadban oo 4-sano kahor lagu soo doortay, balse waxa uu dusha ka saaray dhinacyada mucaaradka oo ku cadaadiyay in aan waqti dheeraad ah la siin dowladdiisa, maadaama waqtiga harsan ka badan loo baahanayo.

“Xaqiiqatan qaabka aan dib ugu noqonay waa dib u dhac, marka aad kala dooraneysid wax dhib badan iyo wax fudud waa ay sahlan tahay, balse labo arrin oo dhibkooda leh marka lagu soo hordhigo waa arrin aad u adag, waxaa na horyaalay in dalka uu kala tago oo shisheeyaha nasoo dhexgalo & in aan dib ugu laabanayo jacburkeena ileen waad dadbaneenee in aan kusii socono, waana tan aan qaadanahay” Sidaasi waxaa yiri Hogaamiyaha DFS.

Ugu dambeyn, Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu sheegay in bisha November ee xigta Oktoobar oo curaneysa 3-Cishe kadib dalka uu aadayo doorashada Baarlamaanka, qorshaha xigana waa soo uruurinta xildhibaannada si ay u doortaan guddoonkooda, kadibna loo gudbo doorashada Hogaamiyaha.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More