Dowladda Mareykanka oo ku dhowaaqday boqolaal milyan oo la s…

Washington (Axadle) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday ku dhowaad 200 milyan oo dollar oo ah kaalmo dheeraad ah oo loogu talo-galay shacabka Soomaaliya, oo muddo wajahayey dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari, rabshado iyo daadad iyo abaaro soo noqnoqday. 

Kaalmadan oo ah 199 milyan oo dheeri ah oo oo lasoo marinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa tirada guud ee kaamlmada uu sanadkan Mareykanka ugu talo-galay shacabka Soomaaliya ka dhigeysaa 408 milyan oo dollar. 

War-saxafaadeed uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu caawin doono ku dhowaad lix milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’adannimo.

Dadkan ayaa waxaa ku jira saddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qiyaastii 500,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

“Maal-gelintan cusub waxay kaalmo cunno iyo nafaqo deg deg ah, biyo nadiif ah oo ay cabaan, nadaafad, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad siin doontaa shacab wajahaya caqabado ka dhashay dagaallo iyo xaalad deegaan oo sii xumaaneysa,” ayuu yiri Ned Price. 

Price ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dalka deeqda ugu weyn siiya Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka ku sugan.

Afhayeeenka ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu weli ka walaacsan yahay baahida bani’aadannimo ee sii kordheysa, wuxuuna deeq bixiyayaasha caalamka ku booriyey inay ku tabarucaan jawaabaha caalamiga ah ee laga bixinayo iyo taageerada lagu badbaadinayo nolosha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More