Diyaargarowga Aaska AUN Galayr oo Muqdisho ka socda. –

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban-qaabada aas loogu sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo shalay ku geeriyooday Magaalada Jigjiga Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xubno guddi ah oo Dowladda Federaalka u xilsaartay aaska loo sameynayo AUN Cali Khaliif Galayr ayaa wada qorshaha soo qaadista maydka Marxuumka oo yaalla Jigjiga si loo keeno Muqdisho looguna aaso.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay in AUN Cali Khaliif la geenayo Magaalada Muqdisho si aas loogu sameeyo, maadaama xilal kala duwan uu kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Xubnaha Guddiga aaska Galayr ayaa sheegay in ay agaasimeen aas si heer sare ah oo lagu maamuusayo qiimaha uu lahaa AUN Cali Khaliif Galayr oo muddo fog siyaasadda Soomaaliya ku jiray.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sababta Geerida Galayr ku sheegtay xannuunka Covid-19 oo gallaaftay nolosha dad badan, halka qaar kamid ah bukaanno uu haleelay ay la jiifaan isbitaallada loo goonida yeelay ee lagu karaantiilo dadkaas.

Cali Khaliif Galayr waxa uu ku dhashay Magaalada Laascaanood 15-kii Oktoobar sanadkii 1941-tii, waxaana xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu hayay intii u dhaxaysay 8-dii Oktoobar 2000 ilaa 28-kii Oktoobar 2001-dii.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More