Al-Shabaab oo sheegtay in Gaari Dagaal ay ka gubtay Ciidanka

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar Jidgal ah ay ku qaaday kolonyo gaadiid dagaal ah oo ay wateen Ciidamada Dowladda Federaalka, isla markaana mararay wadada isku xirta Basra & Balcad.

Kolonyada Ciidamada ayaa mareysay inta u dhaxeysa Basra & Balcad, waxaana Al-Shabaab sheegatay in ay gubtay mid kamid ah Gawaarida ciidanka gaar ahaan nuuca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha.

Dhimasho & Dhaawac oo aysan tiro rasmi ah sheegin Xarakadu ayay sheegtay in weerarkooda ku geysatay, waxaase ujeedka weerarka ku sifeysay in ay uga jawaabeysay dhaq-dhaqaaqyo ciidanka DFS iyo AMISOM ay ka wadaan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilaa haatan Dowladda Federaalka kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay weerar jidgal ah ku qaaday gaari ciidan oo mararay inta u dhaxeysa Deegaanka Basra & Degmada Balcad.

Militariga Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay wadada isku xirta Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa inta u dhaxeysa labada Shabeelle u arka in weerarada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe kasoo abaabusho deegaannada ka xiga dhanka Shabeelaha Hoose.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More