Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 9aad

Amina markiiba waa ay istaagtay waxaana gacant qabatay Idil oo tiri ugu yaraan inta aad coffee cabayo ha iga tagin oo dhowr soomaalinimada fadhi la iskama kacee.

Amina inta ay fadhiga ku soo noqotay ayaa ay tiri.

Amina Sahra:

Qof waxbaratayna waad u egtahay hadana sidii ibliskii ayaad u dhaqmeysaa

Idil:

Maya Amina sida aad u fikireysid ma ihi aniga waxaan deris la ahay sodohdaa Baluush guurkaaga raali kama noqon abid iminka waa ay ku guuleysaneysaa in gurigaaga dhumiso.

 

Amina Sahra:

In aysan marnaba guurkeyga ku qanacsaneyn waan la socdaa laakiin tiirka adage ee aan wada dhisnay Sadiiq ma aha mid sahlan.

 

Idil:

Hadaba taa waa ay dhacday cayaartaasna 3deedii dhibcood Baluush ayaa la hooyatay goor hore

 

Amina Sahra:

Kuma fahmin bal warka ii kala cadey maxay tahay dabinta ay Baluush dhigtay misana ay ku guuleysatay

 

Idil:

Sadiiq hooyadii Baluush waa qof sharga la wehel ah waxayna ku guuleysatay in ay Sadiiq ay bahal kaaga dhigto waliba fursadaas markiina waa ay ka faa’ideysaty waliba ninkaaga sababta uu u baxay wax kale maaha ee naftiisa ayaa uu la coloobay sidoo kale masuuliyadiisa ayaa uu ka baxsanayaa.

 

Amina Sahra:

Maxay tahay fursada ay Baluush heysatay oo ay ka faa’ideysatay si sax hadalka igu dhig waa runtaa inuu ninkeyga isbadal ku yimid mudooyinkaan dambe laakiin adiga maxaad arrimhaan ka ogtahay.

 

Idil:

Qalbiga bani’aadamka waa mid daciif ah mararka qaarna waa dhacdaa in sheydaanka uu ka saacid caleeyo taana ayaana ku timid ninkaaga Sadiiq waxayna hooyadii ka dhaadhicisay in uurkaaga uusan isaga laheyn isagana xaalka dhan uu u wado ayaa uu la’yahay.

 

Amina Sahra:

Hadalka qaar badan waan ka aamini karaa laakiin adiga xodaan halkee ka heshay

 

Idil:

Baluush asxaabteeda ayaa ii shegay

 

Amina Sahra:

Ok maxay tahay sababta aad igu calool jileecday oo uu dhibkeyga kuu dhibay

 

Idil:

Wax kale maaha abaal hore ayaan gudayaa

 

Amina Sahra:

Abaalka waa maxay yaase kuu galay

 

Idil:

Hooyadaa Sareedo iyo walaashaa Canab aniga waxaan ahay qof ka soo guurtay Virgenia Maraykanka waxaana halkaas aad igu saaciday familkaaga oo abaal weyn ii galay xilligaan caawimaada u baahnaa oo ilmahyega aabaahod iga cararay marka waxba ha iga shakin aniga waxa aan kuu sheegayo waa run abaayo oo adiga maskaxdaada ku noqo oo si qoto dheer ugu fikir arrinkaan maxaa yeelay Baluush jariimo iyo ceeb ayaa ay rabtaa in ay dusha kuu saarto.

 

Amina Sahra:

Waa runtaa waa arrin aniga ii taal waana ku mahadsan tahay fadlan ma I siin kartaa cinwaan aan kaala soo xariiri saxiib.

Idil markiiba card ayaa ay u dhiibtay oo address keeda ku qornaa Amina Sahra markiiba inta ay Idil macasalaameysay ayaa ay baabuurkeda ku dhacday oo ay abaartay gurigeeda fajac xoogan ayaa ka soo haray wax badan oo tuhun ah ayaa ku beermay dib ayaa ay u soo xasuusatay isbadalkii ku yimid dhaqanmadiisa waa Sadiiqee qolkeedii jiifka inta ay gashay oo ay sariirka is duldhigtay ayaa fikir dheer nafta u diray.

Amina si dhab ah ayaa ay isu tusisay hadalkii Idil isuguna sheegtay in Sadiiq uu wax qarinayey illin ayaa soo dhaaftay sida ay nolosheeda u arkeysay iyo sida ay iminka ku sugan tahay go’aan kasta qalbigeeda waa ku soo dhacay durbana waa la laabataa Amina naceyb xoogan ayaa ay nafteeda bilaawday in ay u qaato Sadiiq waxay iyada oo is ciilgaanbineyso ay ku cataawday.

“” Alle aniga muxuu nasiibkeyga sidaan u noqday maxay tahay jariimada aan galay ee la iiga jarayo illaahow iga naxariiso kuwa danuubta ila dultaagan kolow ninkeygaba yahay””.

Ugu dambeyn Amina waxa ay go’aansatay in ka hor beri xilliga uu Sadiiq imaanayo in ay la timaado hadaf dhab ah waxayna markiiba telefoon ku wacday Idil oo ay u sheegtay in ay u baahan tahay isla xilligaan iyadoo jawiga uu ahaa mid aad u qabow ah hadana Idil kama soo raaginee markiiba waa ay u timid waxaana dhexmartay doodaan.

Idil:

Amina maxaa soo kordhay

 

Amina Sahra:

Idil aniga maskaxdeyda waa ay buuxdaa in aan waasho oo aan qeyliyo ayaan ku dhawahay ma aqaan waxaan sameeyo.

 

Idil:

Waan fahmi karaa sida ay u xanuun leedahay xaalka aad ku jirta laakiin mid ogaaw waxaa lagaaga baahan yahay in aad adkeysi u yeelato xaaaladaada caafimaadna yeysan xumaan taana u yeel in ubad caafimaad qabo in aad dhasho.

 

Amina Sahra:

Waa runtaa maxaa yeelay manta wixii laga bilaabo waxaan u noolahay waa cunugeyga isaga ayaa cadeynta kaliya ii noqon kara ee aan magaceyga ku nadiifin karo.

 

Idil:

Maxaad go’aansatay adiga

 

Amina Sahra:

Siduu iga aamusay in aan kaga aamuso ileyn 7 bilood aniga lee dhacdhacaayey waa nin aan maalin kaliya ii quurin in uu wax iga weydiiyo xaaladeyda caafimaad laakiin manta ayaan wax walba ogaaday waxaan ka xumahay in nin daciif sida Sadiiq oo kale aan nolol la wadaago.

 

Idil:

Naceyb yuusan kula fogaan taa caafimadka uma wanaagsana

 

Amina Sahra:

Naceyb xataa ma istaahilo laakiin illaahey ayaan ka baryey ubad nool oo caafimaad qabo maalintaa ayaan Sadiiq mudankiisa marsiin doonaa.

 

Idil:

Muxuu yahay go’aankaaga

 

Amina Sahra:

Ilaa aan umulo in aan hadal isagana uusan iga dareemin in aan xaalada ka warhaayo maalintaan dhalana in cunugeyga DNA Test lagu sameeyo maalinta ay jawaabta timaadana aan la hadlo go’aana aan naftiisa ka qaato.

 

Idil:

Waa arrin wanaagsan aniga waxaan kuu balanqaaddayaa in aan halgankaadan cusub in aan kugu garab istaago waliba aan wax kaa saacido nolosha.

 

Amina Sahra:

Waad mahadsan tahay Idil waxaadba aheyd adoon uu illaah ii soo diray intaan dhib maray in ka badan waa uu mari doonaa waliba sanadyaalo ayaa uu dhibtoon doonaa.

 

Idil:

Mar kasta ku dadaal caafimadkaaga waliba xilligaan waa xilliga ay uureyda ugu halis badan tahay 3 bilood ee dambe markasta la soco caafimadka qeyr badan waan kuu rajeeyey waana I tirsan karaa xilli kastana ila soo xariiri kartaa.

 

Amina Sahra:

Mahadsanid saaxiib in badan ayaan kuu mahadcelinayaa

 

Idil:

Dhib malaha ka badan ayaad mudan tahay saaxiib

Idil sidii ayaa ay ku baxday Amina go’aankii la isku raacay ayaa ay qaadatay inkastoo ay murug iyo ciil xoogan ay darreemeysay hadana wax badan ayaa ay isku dayeysay in ay caadi iska dhigto waana ay ku qasbaneyd.

Waaga markii uu baryey ayaa ay iyada si toos u telefoon gareysay Sadiiq wuxuuna u sheegay in xilliga qadada uu la joogi dooni.

Qado heer sare ayaa ay diyarisay si sharaf leh oo uusan ku shakiya Karin ayaa ay ku soo dhaweysay si wadajirna lagu wada qadeeyey Sadiiq waxaad mooday in xoogaa uu sidii hore ka roon yahay xagga murugta wuxuuna niyada iska lahaa iyadaana kuu harin wax yar oo aad kala bixi doontaa shakigaan kugu beeran iyo adiga.

Habeenkii si wadajir ayaa ay u sheekeysteen markii cashadii ay wada cuneen oo qolkii saaloonka la soo galay aya ay sheekadii iyada furtay Amina oo ay tiri.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More