Aniga kaliya maahan, qof walba wuxuu ku jiraa xaalad xun.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka Mesut Ozil ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa bilaha soo socda, marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuuna xor u yahay inuu la saxiixdo koox kale, madama uu qandaraaskiisa ka harsan yahay bilo yar waxaana durba laga saaray liiska. waxaa shaqada ka eryay tababare Mikel Arteta
- Advertisement -
Mesut Ozil oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiiyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inuu doonayo uuna rajeynayo inuu awoodo inuu caawiyo kooxdiisa wuxuuna tilmaamay inay ku jiraan waqti adag.
32 jirkaan oo markii ugu dambeysay u ciyaarayay kooxda Arsenal bishii Maarso horaantii sanadkan ayaa Mikel Arteta u diiday inuu garoomada soo galiyo isagoo walaac ka muujiyay qaab ciyaareedkiisa.
Gunners ayaa qaadatay xilli ciyaareed musiibo ah waxayna 14 dhibcood ka heshay 14 kulan oo horyaalka ah, taasoo ka dhigeysa xilli ciyaareedkoodii ugu xumaa tan iyo 1974/75.
Dhanka kale, Man City ayaa garaacday Emirates Talaadadii, iyagoo ka reebay Carabao Cup, waxayna ku garaaceen 4-1.
Isaga oo ka jawaabaya su’aalihii ay jamaahiirta weydiisay baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka, Mesut Ozil ayaa la weydiiyay haddii uu ku faraxsan yahay Arsenal inkasta oo ay xaalad adag ku jirto. “Waa waqti adag qof walba,” ayuu yiri. iyo kooxda, aniga kaliya maahan.
“Xaalada waa mid madax xanuun ku ah qof walba. Dabcan waxaan jeclaan lahaa inaan caawiyo kooxda, qaasatan hada laakiin maadaama aanan fursad helin, waxaan rajeynayaa inaan markale helno natiijooyin wanaagsan oo dhakhso leh.”
Mesut Ozil ayaa ku booriyay taageerayaasha inay rajo muujiyaan: “Laakiin aan noqono kuwa rajo fiican filayaa”.