AFARTA Kooxood Ee Ugu Sarraynaya Horyaalka Premier League
Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa saadaaliyey afarta kooxood ee ugu sarraynaya horyaalka Premier League xili ciyaareedkan, kuwaas oo aanu usii kala-saarin sida ay ugu kala dhowaanayaan hanashada horyaalka.
- Advertisement -
Roy Keane waxa uu rumaysan yahay in kooxdiisii hore ee Manchester United aanay boos ku yeelan doonin afarta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka xili ciyaareedkan, isla markaana ay ka qadi doonto tartanka Champions League xili ciyaareedka dambe oo aanay kasoo qayb-geli doonin.
Halyeygan hore ee Red Devils ayaa saadaashan sameeyey kaddib guul-darradii Manchester United ay kala kulantay Arsenal oo 1-0 kaga badisay Axaddii iyadoo guushii ugu horreysay ku gaadhay Old Trafford muddo 14 sannadood ah.
Kaalinta 15aad ayay Manchester United ku fadhidaa toddoba dhibcood oo ay ka heshay lix ciyaarood oo horyaalka ah, waxaana uu Roy Keane usii sheegay ciyaartoyda Man United iyo tababare Solskjaer in aanay isku daalin inay u halgamaan afarta sare.
“Daqiiqad kaliya kumaan fikirin inay horyaalka kula loollami doonaan Liverpool iyo Man City, laakiin sida ay hadda ku bilowdeen waxay u muuqdaan in xataa aanay afarta sare ka mid noqon doonin.” Ayuu yidhi Roy Keane.
“Marxaladaha hore, mararka qaarkood waxa la yidhaahdaa ‘ma jirto sabab loo naxsanaado’, laakiin natiijooyinka iyo bandhigyada ayaa waxay muujinayaan inay naxsan yihiin sababtoo ah si ku filan uma ciyaarayaan.” Ayuu ku daray.
Roy Keane si buuxda uma soo hadal qaadin kuwa ay yihiin afarta kooxood ee ugu sarrayn doona marka laga reebo Manchester United oo uu liiska ka saaray, laakiin waxa la fahamsan yahay in Liverpool iyo Manchester City ay safka hore fadhiyaan, halka Chelsea, Tottenham, Leicester City iyo Arsenal ay iyaguna fursado u haystaan inay afarta sare ka mid noqdaan.