Guardiola, Mourinho, Wenger – Tababareyaashii Lacagta Ugu
Tababareyaasha lacagta ugu badan suuqa geliyey sannadihii tobanka ahaa ee ugu dambeeyey ayaa lasoo bandhigay, waxaana hormood u ah macallimiinta ugu waaweyn ee lagu tilmaamo inay yihiin kuwa ugu guulaha badan.
Zinedine Zidane oo shantii sannadood ee ugu dambeeyey koobabka ugu badan kusoo guuleystay, isla markaana gacanta ku dhigay saddex Champions League, laba horyaalka LaLiga, FIFA Club World Cup iyo koobab kale oo maxalli iyo Yurub ah ayaan ku jirin liiska tababareyaasha lacagta badan isticmaalay.
Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa isbeddel badani ku dhacayay sannadihii ugu dambeeyey. Ma kugu adag tahay inaad rumaysato in Harry Maguire uu aad uga qaalisan yahay lacagtii ay Real Madrid kusoo iibsatay Zinedine Zidane oo waqtigiisii rikoodhkii ugu qaalisanaa dunida ahaa? Allaylehe haa, sababtoo ah, suuqa ayaan suuqii ahayn, lacagta ayaan qiimihii lahayn, awoodda iibsiguna way ka duwan tahay middii waqtigaas.
Kooxda kubadda cagta PSG ayaa ahayd cududda suuqa ka arriminaysay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaanay fagaareyaasha qabsatay sannadkii 2017kii markii ay hal mar lasoo wada saxeexatay Neymar oo ay kasoo bixisay £200 milyan oo Gini iyo Kylian Mbappe oo ay kula soo wareegtay £165.7 milyan oo Gini, balse lacagta ayay bixisay sannadkii 2018 iyadoo sannadka horena amaah ahaan loogu xisaabiyey.
20ka tababare ee lacagta ugu badan kharash gareeyey tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa hadda lasoo saaray, waxaana kaalinta koowaad kali ku ah oo fadhiya Pep Guardiola oo lacag dhan £1.14 bilyan oo Gini ciyaartooyo kusoo iibsaday. Sannadihii koobnaa ee afarta ahaa ee uu Manchester City hoggaaminayay, waxa uu suuqa geliyey lacag dhan £408 milyan oo Gini, iyadoo xiddigii ugu dambeeyey ee uu lasoo saxeexdaana uu ahaa Ruben Diaz oo xagaagii tegay uu £65 milyan oo Gini kaga soo qaatay Benfica.
Jose Mourinho oo laguu yaqaanay in koox walba oo uu tago uu lacag ku farraqo sidii uu ciyaartooyo cusub u keeni lahaa, ayaa kaalinta labaad ku jira, waxaana tobankii sannadood ee ugu dambeeyey uu qasnadda kooxihii uu maamulayay ka saaray lacag dhan £1.04 bilyan oo Gini, iyadoo inta ugu badan ay ahayd Manchester United oo Paul Pogba iyo Lukaku ay ahaayeen labadii ugu qaalisanaa ee loo keenay.
Halkan kaga bogo 20ka tababare ee lacagta ugu badan kharash gareeyey iyo kooxaha ay waqtigan joogaan:
20. Rudi Garcia – Lyon
Lacagta uu kharash gareeyey: £439.18m
19. Luciano Spalletti – Koox la’aan waqtigan
Lacagta uu kharash gareeyey: £440.53
18. Mauricio Pochettino – no club
Lacagta uu kharash gareeyey: £451.78m
17. Thomas Tuchel – PSG
Lacagta uu kharash gareeyey: £514.06m
16. Nuno Santo – Wolves
Lacagta uu kharash gareeyey: £529.94m
15. Leonardo Jardim – Koox la’aan waqtigan
Lacagta uu kharash gareeyey: £533.65m
14. Arsene Wenger – Koox la’aan waqtigan
Lacagta uu kharash gareeyey: £544.68m
13. Brendan Rodgers – Leicester
Lacagta uu kharash gareeyey: £554.27m
12. Roberto Mancini – no club (Managing Italy)
Lacagta uu kharash gareeyey: £572.03m
11. Maurizio Sarri – no club
Lacagta uu kharash gareeyey: £579.61m
10. Jurgen Klopp – Liverpool
Lacagta uu kharash gareeyey: £624.67m
9. Manuel Pellegrini – Real Betis
Lacagta uu kharash gareeyey: £692.10m
8. Ernesto Valverde – Koox la’aan waqtigan
Lacagta uu kharash gareeyey: £731.93m
7. Unai Emery – Villarreal
Lacagta uu kharash gareeyey: : £742.64m
6. Antonio Conte – Inter Milan
Lacagta uu kharash gareeyey: : £834.48m
5. Diego Simeone – Atletico Madrid
Lacagta uu kharash gareeyey: £875.63m
4. Max Allegri – Koox la’aan waqtigan
Lacagta uu kharash gareeyey: £924.90m
3. Carlo Ancelotti – Everton
Lacagta uu kharash gareeyey: £939.48m
2. Jose Mourinho – Tottenham
Lacagta uu kharash gareeyey: £1.04bn
1. Pep Guardiola – Manchester City
Lacagta uu kharash gareeyey: £1.14bn