Tobanka Difaac Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo Lasoo
Virgil van Dijk ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay tobanka difaac ee ugu wanaagsan waqti xaadirkan dunida, waxaana inkasta oo uu dhaawac ku maqan yahay uu haddana xajistay booskan oo qiimayno la sameeyey marar badan loogu soo xushay kaalinta koowaad.
Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa kaalinta saddexaad fadhiya, waxaase labaad ku jira saaxiibkiisa ay khadka dambe uga wada ciyaaraan Los Blancos ee Raphael Varane oo qaladaad badan ka samaynayay garoomada xili ciyaareedkan iyo kulamadii Champions League ee Manchester City ee dhamaadka xili ciyaareedkii hore.
Virgil van DIjk oo Liverpool ay sannadkii 2018 kaga soo iibsatay Southampton lacag dhamayd £75 Gini ayaa Liverpool ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ka caawiyey in Reds ay gaadho finalka Champions League sannadkii 2018 oo Real Madrid ay kaga guuleysatay.
Laakiin xili ciyaareedkii xigay ayuu la qaaday Champions League isagoo la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga ugu fiican Premier League, halka uu xili ciyaareedkii dhowaanta dhamaadayna uu horyaalka Premier League kula guuleystay Liverpool.
Laacibkan reer Netherlands ayaa sidoo kale sannadkii hore kusoo guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican Yurub ‘UEFA Player of the Year’, halka uu abaal-marinta Ballon d’Or kaalinta labaad ku jiray oo Lionel Messi uu ku xigay.
Wargeyska Daily Star ayaa qiimayn uu sameeyey, waxa uu kusoo bandhigay tobanka difaac ee ugu fiican waqtigan la joogo, waxaana kaalinta afraad soo cidhiidhsaday Kalidou Koulibaly oo Napoli ka tirsan, kooxo badanna ay saxeexiisa raadinayaan.
Aymeric Laporte oo Manchester City ah, ayaa isaguna is muujiyey intii uu kasoo laabtay dhaawacii cuslaa ee uu muddada kaga maqnaa garoomada, waxaanu qiimayntan kasoo galay kaalinta shanaad, halka Gerard Pique uu lixaad fadhiyo.
Ruug-caddaaga Talyaaniga ah ee Leonardo Bonucci oo kasii gaboobaya Juventus ayaa kaalinta tobnaad kaga jira liiska, waxaana hal buundo ka sarreeya David Alaba oo Bayern Munich si bilaash ah kaga tegi doona xagaaga kaddib markii uu diiday inuu u kordhiyo heshiiskiisa, isla markaana ay kooxo badan oo Yurub ahi raadinayaan.
Milan Skriniar oo Inter Milan ku dhibaatoonaya, isla markaana uu Antonio Conte ku hayo kaydka ayaa kaalinta siddeedaad kaga jira liiskan, waxaana laacibkan lala xidhiidhinayaa Tottenham iyo Liverpool inkasta oo lacagta ku xidhan ay qaali tahay.
Halkan kaga bogo tobanka difaac ee ugu wanaagsan dunida waqtigan:
10. Leonardo Bonucci (Juventus)
9. David Alaba (Bayern Munich)
8. Milan Skriniar (Inter Milan)
7. Jerome Boateng (Bayern Munich)
6. Gerard Pique (Barcelona)
5. Aymeric Laporte (Manchester City)
4. Kalidou Koulibaly (Napoli)
3. Sergio Ramos (Real Madrid)
2. Raphael Varane (Real Madrid)
1. Virgil van Dijk (Liverpool)