Xiddigga Weyn Ee Real Madrid Ay Saxeexa Koowaad Ka
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay ka shaqayso in bilaha ugu horreeya sannadka soo socda ee 2021-ka ay meel sii dhigato saxeexa ugu horreeya ee ay samayn doonto marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda, kaas oo ah xiddig weyn oo ay rumaysan yihiin inuu xallin doono dhibaatada afka hore ee goolal yaraanta.
Los Blancos oo dhibaatootay intii uu Cristiano Ronaldo oo ahaa dhaliyahooda ugu weyn uu kasii maqnaa, ayaa waxay bartilmaameedka koowaad ka dhigan doontaa xiddiga da’da yar ee kooxda PSG ee Kylian Mbappe, kaas oo Zinedine Zidane iyo Florentino Perez ay rajo weyn ka qabaan inay kusoo guuleysan doonaan saxeexiisa bilaha June iyo July ee sannadka dambe.
21 jirkan oo heshiiskiisa PSG uu ka hadhsan yahay sannad kaliya ayaa waxay Los Blancos si adag uga hawl-gelaysaa inay ka dhaadhiciso laacibkan inuu ku adkaysto go’aankiisa hadda ee ah in aanu kordhinin qandaraaska PSG, si ay ugu qasbaan inay iibiyaan xagaaga soo socda, taas oo isagana shaqsiyan ka caawinaysa inuu gaadho maqaamkii uu hiigsanayay ee ahaa inuu ku tartamo abaal-marinta Ballon d’Or.
Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, tababare Zidane iyo Perez ayaa isla qirsan in mashaakilka ugu weyn ee haysta kooxdoodu ay tahay afka hore oo goolasha ay ka sugayaan ciyaartooyo aan ahayn dhaliyeyaal dabiici ah, balse aanay sidaas kusii socon karaynin.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray in Real Madrid ay kalsooni buuxda ku qabto in Mbappe uu ku cadaadin doono PSG in la iibiyo xagaaga 2021 haddii kalena uu bilaash kaga tegi doono dhamaadka xili ciyaareedka dambe oo uu iman doono Santiago Bernabeu.
Madrid ayaa u diyaarisay xiddigan inay dul-dhigto lacag dhan £161 milyan oo Gini.