Itoobiya oo Soomaaliya ka saartay Askar ka joogta si ay ugu
Sida ay daabacday qaar kamid ah Warbaahinta kala duwan. Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Soomaaliya ka daadgureysay kumanaan askari oo aan ku jirin howlgalka Ururka Midowga Afrika.
Ujeedka waa xoojinta dagaalka gudaha dalkeeda ka socda gaar ahaan Gobolka ismaamulka Tigray oo isku dhac dhexmaray Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulkaas galay maalintii 11-aad.
Tiro sugan lagama hayo ciidamadaan ka baxay Soomaaliya ee Itoobiyaan ah, waxaana xooggooda ay ka baxeen Deegaanno ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland.
Itoobiya waxa ay horay u qiratay in Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo aan xirneen dharka Askarta Ururka Midowga Afrika, mana faah-faahin ujeedka ay dalka ay u joogaan & inta ay gaarsiisan yihiin.
Askarta Xooggooda ayaa isugu tagay Xeryo ku yaalla Dowlad Deegaanka Soomaalida, si looga sii qaado qaar loona geeyo ismaamulka Tigray, halka qaarkood ay buuxinayaan saldhigyada laga daabulay ciidamada gudaha u galay ismaamulkaas.
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay toogatay 550 xubnood katirsan oo u badan dagaal yahannada Ismaamulka Tigray, dhankeeda waxa gaaray sooma gudbin, balse waxaa isbitaallada la dhigay Askar dhaawacyo soo gaaray.
Warsidaha Bloomberg ayaa daabacay in Dowladda Itoobiya ay u yeertay 5,000 oo Askari oo kamid ah Ciidamada joogta Soomaaliya si ay ugu xaliso culeyska ciidan ee gudaha gaar ahaan ismaaamulka Tigray.
Axadle.