Dagaalka Kroos Iyo Aubameyang Oo Heer Kale Gaartey, Mesut

Kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa markiisa ka qayb qaatay dagaalka iyo erayada dhaliisha ah ee ay hawada isku marinayeen dhawaanahan kabtankiisa Pierre Emerick Aubameyang iyo Toni Kroos oo ay xulka Germany kasoo wada tirsanaayeen.

Kroos oo ahaa mid hadalka bilaabay ayaa sheegay inuusan gabi ahaanba jeclayn nooca dabaaldeg ee maasgarada wajiga lagu xidhanayo ee uu sameeyo Aubameyang marar badan.

Intaas kaddib Auba oo bartiisa Twitter-ka kaga hadlay arrintaas ayaa sheegay inuusan filanayn in Kroos carruur leeyahay isla markaana uu isagu inta badan u sameeyo dabaaldegaas caruurtiisa.

Markale Kroos ayaa Twitter-ka kusoo jawaabay waxaana uu xusay inuu saddex caruur ah leeyahay isaga oo kaga fal-celinayay hadalka Aubameyang ee ahaa inuusan caruur lahayn.

Hadda Mesut Ozil ayaa kasoo saftay dhinaca Pierre Emerick Aubameyang waxaana uu isaga oo aan ka hadal Kroos bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka Aubameyang oo dabaaldegaas samaynaya isaga oo soo raaciyay qoraal uu ugu sifaynayo dabaaldega ugu fiican.

Aubameyang ayaa sidoo kale hore usoo xidhay maasgarooyinka kala ah Batman, Spiderman iyo Deadpool isaga oo mar xusay aktarkii caanka ahaa ee Chadwick Boseman ee jilay film-ka black Panther.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More