Nicolas Pepe Oo Ku Socda Wadadii Mesut Ozil Uu Maray & Mikel

Nicolas Pepe ayaa ah xiddiga ugu qaalisan Arsenal taasoo soo jeedineysa inuu had iyo jeer ka mid ahaado shaxda tababare Mikel Arteta.

Laakiin sida uu Arteta tusay Ozil, lacag iyo maqaam midna kaama caawineyso inaad ka mid ahaato shaxda kooxda Arsenal iyo liiska ciyaartoyda.

Pepe ayaa kaliya 12 kulan u saftay Arsenal tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Wuxuu soo bandhigay mararka qaar qaab ciyaareed aad u fiican isagoo shabaqa soo taabtay seddex jeer. Laakiin waxa uu sidoo kale soo bandhigay qaab ciyaareed aan joogta aheyn taasoo lagu soo koobi karo markii uu darbo koorno ah ku dhuftay shabaqa geeskiisa kulankii Europa League ee ay ka badiyeen Duntalk.

Isbuucyadii la soo dhaafay, Pepe waxa uu saarnaa diirada iyadoo khabiirada kubada cagta ay ka hadlayeen xaaladiisa.

Pepe ayaa isaga xitaa ka hadlay xaalada cakiran ee uu ku jiro.

Daaficii hore ee Arsenal Martin Keown oo haatan khabiir ka ah TV-yada ayaa ku amaanay xiddiga reer Ivory Coast farsamadiisa iyo hal abuurkiisa kubadeed.

Laakiin wuxuu sidoo kale xiddiga garabka ka ciyaara u diray digniin ah inuu horumariyo qaab ciyaareedkiisa ama uu wajaho ciqaabtii la duldhigay saaxiibkiisa Arsenal Mesut Ozil.

Keown ayaa u sheegay BT Sport: “Waxaa jira waqtiyo aad ka arkeyso Pepe wixii aan ka fileynay markii uu imaanayay. Wax badan ma aynan arkin ciyaaryahankaan, sidee ayaa looga soo saari karaa qaab ciyaareedkiisa ugu fiican?

“Waxaan ka hadalnay in Ozil laga saaray kooxda iyo inuu tababaraha ku guuldareysatay inuu caawiyo ciyaaryahanka. Haatan ka warama Pepe? Waxaan u gudbeynaa jiilka xiga.

“Sidee ayaad qaab ciyaareedka ugu fiican uga soo saari kartaa isaga, isaguna miyuu ku howlan yahay inuu qaab ciyaareedkiisa horumariyo?

“Waxaan ka aragnay hal abuur fiican, farsamo wuu leeyahay laakiin waa inuu hal abuurkiisa iyo farsamadiisa soo bandhigo waqtiga ugu muhiimsan.”

Pepe ayaa wareysi uu siiyay Canal Plus waxa uu dhawaan ka cawday inuusan heli daqiiqado badan uu ku ciyaaro taasoo keentay in xiddigii hore ee Arsenal Lee Dixon uu Twitter ugu soo qoro: “U ciyaar si fiican markaas ayaa daqiiqo badan heleysaa”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More