Daafac Kale Oo Weyn Oo Ka Dhaawacmay Liverpool Maanta Iyo
Liverpool ayaa musiibo kale ay soo wajahday ka dib markii daafaca Joe Gomez uu ku dhaawacmay tababarka xulka England isagoo looga baqayo inuu dhaawac halis ah ka soo gaaray jilibka.
23 jirkaan daafac dhexe ayaa seegi doona kulanka saaxiibtinimo ee ay England berri la ciyaareyso xulka Republic of Ireland.
Ma cada ilaa iyo inta uu Gomez ka maqnaanayo garoomada.
Laakiin waa walwal kale oo soo wajahaya tababaraha Liverpool Jurgen Klopp kaasoo arkay dhaawacyo isku xigxiga oo soo gaaraya daafacyadiisa.
Virgil van Dijk ayaa ka maqnaanaya garoomada inta ka harsan xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka halka daafaca bidix Trent Alexander-Arnold uu dhaawac kubka ah la maqnaanayo muddo bil ah.
Reds ayaa goor dhow dib u soo dhaweysay Joel Matip laakiin xiddiga u buuxin lahaa booska daafaca dhexe Fabinho ayaa isna maqan.
Liverpool ayaa lagu qasbay inay ciyaarsiiso 19 jirka Rhys Williams iyo Nat Philips xilli ciyaareedkan.
Reds ayaa kulankooda xiga ee ka dib ciyaaraha caalamiga waxay la ciyaari doonaan kooxda hogaamineysa horyaalka ee Leicester City.