France Oo La Garaacay, Portugal Oo 7 Gool Ku Badisay &

Donny van de Beek ayaa iska gadaal mariayy dhibaatadiisa Manchester United isagoo ka caawiyay xulkiisa Netherlands inay ka soo kabsadaan gool looga hormaray islamarkaana ay barbaro 1-1 ku qabteen xulka Spain kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Johan Cruyff Arena.

Van de Beek ayaa ku dhibtooday inuu boos ka helo Man United laakiin wuxuu hooy ku dareemay garoonkii uu wacdarraha ugu dhigayay Ajax isagoo kubad hoose dabamariyay Unai Semino daqiiqadii 47aad wuxuuna kansalay gool uu Spain u dhaliyay Sergio Canales.

Waa kulankii afaraad ee uu tababare Frank de Boer hogaaminayo xulka Netherlands isagoo aan wax guul ah gaarin, wuxuuna rikoodhkiisa yahay seddex barbaro iyo hal guuldarro.

Dhanka kale xulka France ayaa wajigabax kala kulmay xulka Finland oo marti ugu ahaa garoonka Stade de France iyadoo ay ka soo gaartay guuldarro 2-0 ah xilli ay ciyaarayeen xiddigaha waa weyn oo uu ku jiro Paul Pogba.

Finland ayaa dhalisay labada gool qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo ay u kala saxiixeen Onni Valakari iyo Forss.

Xulka Portugal waxay 7-0 ku xasuuqeen Andorra oo ay martigeliyeen, Pualinho ayaa labo gool dhaliyay halka goolasha kale ay kala saxiixeen Cristiano Ronaldo, Joao Felix, Pedro Neto, Emili Garcia iyo Renato Sanches.

Xulka Talyaaniga ayaa isna guul weyn gaaray markii ay 4-0 ku xaaqeen xulka Estonia iyadoo labo gool uu u saxiixay Vincenzo Grifo oo midi ay rigoore aheyd halka labada gool kale ay kala dhaliyeen Bernardeschi iyo Riccardo Orsolini oo rigoore kale dhaliyay.

Xulka Belgium waxay iyagana 2-1 kaga talaabsadeen xulka Switzerland iyadoo labada gool uu xulka Red Devils u dhaliyay Mitchy Batshuayi. Halka xulka Jarmalka ay 1-0 ku garaaceen Czech Republic waxaa goolka qura u saxiixay Waldschmidt.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More