Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Man City vs Liverpool – Klopp
Liverpool ayaa ku sugan garoonka Etihad Stadium, waxaanay foodda is darayaan Manchester City oo kulankoodu uu saamayn badan ku yeelan doono miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League.
Tababare Pep Guardiola ayay kooxdiisu si weyn iskugu diyaarisay kulankan, waxaana sii farxad geliyey in ay usoo laabteen qaar ka mid ah xiddigihii dhaawaca kaga maqnaa sida Gabriel Jesus oo ka fudaydiyey culayskii goolal yaraanta, balse Aguero ayaan joogin.
Liverpool ayaa dhinaceeda dersin ciyaartooyo ahi ka maqan yihiin sida Thiago Alcantara, Virgil van Dijk iyo Fabinho ayaa waxay dib u heleen Joel Matip oo difaacii tijaabada ahaa ka saaraya.
Pep Guardiola ayaa ciyaartan kusoo bilaabay saddexda xiddig ee afka hore ee Gabriel Jesus, Ferran Torres iyo Raheem Sterling, waxaana khadka dhexe uu ku aaminay saddexda laacib ee inta ugu badan iska soo garab ciyaarayay xili ciyaareedkan ee Kevin de Bruyne, Rodri iyo Ilkay Gundogan.
Khadka difaaca ayuu dhinaca bidix kusoo bilowday laacibka reer Portugal ee Joao Cancelo, halka dhinaca midigna uu joogo Kyle Walker. Labada difaac dhexe ayay wada taagan yihiin Ruben Diaz iyo Aymeric Laporte.
Tababaraha reer Spain ayaa kaydka dhigay Phil Foden oo kulamo badan soo badbaadiyey, Eric Garcia oo qandaraaskiisu dhamaad yahay, Zinchenko iyo Nethan Ake oo uu wehelinayo John Stones.
Jurgen Klopp ayaa isaguna shaxdii ugu adkayd oo weerar ku dhisan keenay, waxaana afka hore kasoo wada muuqda afarta ciyaartoy ee Sadio Mane, Roberto Firmino, Mohamed Salah iyo Diogo Jota.
Khadka dhexe ayuu ku aaminay Henderson iyo Wijnaldum oo halgan la geli doona xiddigaha City ee uu booskooda oo kale kusoo ururiyey Guardiola.
Difaaca reer Cameroon ee Joel Matip ayaa kusoo laabtay safka koowaad kaddib saddex ciyaarood oo uu dhaawac ku maqnaa, waxaanu ka garab ciyaarayaa Gomez, halka Alexander-Arnold iyo Robertson ay diyaar yihiin.
Tababaraha reer Germany waxa uu kaydka geliyey James Milner, Naby Keita, Jones, Shaqiri, Origi iyo Phillis.
Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood
Kaydka: Steffen, Stones, Ake, Zinchenko, Bernardo, Foden, Garcia
Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Matip, Gomez, Robertson, Henderson, Wijnaldum, Jota, Salah, Firmino, Mane