Kooxda Ku Guuleysan Doonta Champions League Oo La

Fursada ay Manchester United u heysato inay ku guuleysato koobka Champions League xilli ciyaareedkan ayaa si weyn hoos ugu dhacday ka dib guuldarro lama filaan ah oo ka soo gaartay kooxda Turkiga ee Istanbul Basaksehir.

Laakiin waa kuma kooxaha ugu cadcad hanashada koobka Champions League ka dib seddex kulan oo la ciyaaray?

Xog uruurin ay sameysay FiveThirtyEight ayay ku saadaaliyeen in Bayern Munich ay ugu cadcadahay in mar kale loo caleemosaaro boqorada Yurub.

Kooxda tababare Hansi Flick ayaa fursad boqolkiib 26 u heysata inay mar kale ku guuleysato Champions League.

Ka dib ceebtii xalay soo gaartay kooxda Ole Gunnar Solskjaer, fursada ay u heystaan inay hantaan Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2008 kaliya waa boqolkiiba 3.

Kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ayaa ah kooxda labad ee ugu cadcad hanashada  Champions League iyadoo ay u noqoneyso markii ugu horeysay ee ay abid qaadaan koobkaan.

Citizens oo wada badiyay seddexdii kulan ee ay ciyaareen Group C ayaa fursadooda ay ku hanan karaan koobka waxay gaareysaa boqolkiiba 17.

Kooxda Barcelona ayaa heysata fursad gaareysa boqolkiiba 10 halka kooxda Liverpool ay u heysato hanashada Champions League fursad gaareysa boqolkiiba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More