Kabtan Sergio Ramos Oo Qolka Labiska Real Madrid Ku
Cabashada Isco ee kulankii El Clasico ayaa banaanka u soo baxday shalay oo Isniin aheyd. Wuxuu fadhiyay kursiga keydka isagoo cabasho ka muujiyay sida uu Zidane u ciyaarsiiyo kaliya 50 ama 60 daqiiqo ama inuu soo geliyo ciyaarta ka dib daqiiqada 80aad.
Wuxuu u cabanayay Luka Jovic, Lucas Vazquez iyo Marcelo iyadoo daafaca bidix ee reer Brazil uu qosol la dhacay.
Isco ayaa ciyaaray 147 daqiiqo ilaa iyo haatan xilli ciyaaredkan isagoo ku soo bilowday labo kulan oo ay la ciyaareen Valladolid iyo Cadiz waxaana labada kulanba la soo bixiyay ka hor daqiiqada 60aad.
Labada kulan kale wuxuu ka soo kacay kursiga keydka isagoo waqtigii nasahsada ee kulankii Real Betis bedelay Odegaard halka kulankii Levante la soo geliyay daqiiqadii 89aad. Tirooyinka ayaa muujinaya sida uu hoos ugu dhacay xiddiga reer Spain.
Isco ma uusan ciyaarin kulankii El Clasico ee ay ka badiyeen Barcelona iyo kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Shakhtar Donetsk ee Champions League.
Wargeyska Isbaanishka ee Sport ayaa ogaatay in kabtanka Real Madrid Sergio Ramos inuu qolka labiska ku dhex canaantay Isco isagoo xusuusiyay in qaab ciyaareedkiisa oo xumaaday darteed inuu kursiga keydka u fadhiyo.
Sida ay Sport sheegtay kabtanka ayaa sidoo kale canaan dusha uga tuuray Marcelo oo mid ah kabtan ku xigeenadiisa iyadoo xiddiga reer Brazil uu qaab ciyaareed aad u liita soo bandhigay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Shakhtar Donetsk.
Jariirada ma aysan soo bandhigin hadaladii uu Ramos ku yiri labada xiddig laakiin waxay carabka ku adkeeyeen inuu si carro leh u la hadlay.